4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 29, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo u Hambalyeeyay Guddoonka Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya loo doortay

Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa u hambalyay guddoonka cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah in dadka Soomaaliyeed ay 42 sano kaddib yeeshaan baarlamaan lagu doortay gudaha dalka.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen madaxweynaha, guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka, labadiisa ku xigeen iyo guddoomiyihii KMG ahaa ayuu Shariif Sheekh ku sheegay in howl-wanaagsan ay qabteen mudaneyaasha baarlamaanka iyo guddigii doorashada isla markaana la doonayo in howsha dhimman la dhammeystiro.

“Waa taariikh cusub oo Soomaaliya u bilaabaneysa, waxaana rajeyneynaa hadduu Alle idmo inay sidaas isku dabo socoto, dowladda soo socotana ay noqoto middii Soomaaliya ay uga baxeysay dhibaatooyinkii faraha badnaa ee soo gaaray, horumarka jirana dhammeystiri lahayd,” ayuu yiri Shariif Sheekh.

Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Prof. Jawaari oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa isaguna sheegay in doorashadii dhacday ay ahayd mid taariikhi ah, baarlamaanka cusubna uu yahay mid tayo leh oo wax badan ka qaban doono xaalka dalka Soomaaliya uu ku jiro.


“Waxaan filayaa baarlamaankani inuu yahay baarlamaan aad u fiican, waxaan hubaa inuu noqon doono mid ku tallaabsada in isbedel uu Soomaaliya gaarsiiyo iyo xasilooni siyaasadeed hadduu Alle idmo,” ayuu yiri Prof. Jawaari.

Sidoo kale, madaxweyne Shariif ayaa ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ugu hambalyeeyay tallaabadii ay Al-shabaab uga saareen magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose iyo deegaano kale, isagoo shacabka ugu baaqay inay ciidamada la shaqeeyaan.

Dhanka kale, Danjire Augustine Mahiga isaguna u hambalyeeyay guddoonka cusub ee loo doortay baarlamaanka Soomaaliya isagoo sheegay inuu yahay mid dhabbaha u xaaraya sidii ay Soomaaliya uga bixi lahayd ku-meel-gaarnimada ayna u yeelan lahay dowlad joogto ah, isagoo ka muujiyay rajo in doorashada madaxweynaha ay ku dhici doono 10 maalmood gudahood ah.

Afhayeenka cusub ee baarlamaanka oo 66-jir ah ayaa wuxuu ku dhashay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose sannadkii 1945-kii, isagoo ka mid noqday golihii wasiirrada dowladdii milateriga ahayd ee Soomaaliya, wuxuuna jagooyin kala duwan oo agaasimayaal ay ka mid yihiin kasoo qabtay dowladdaas.


Intii dalka uu ka jiray burburka ayaa wuxuu ku noolaa dalka Norway, halkaasoo uu ka ahaa macallin wax ka dhiga dugsiyada sare ee dalkaas, wuxuuna labadii sano ee ugu dambeeyay oo uu dalka ku sugnaa uu ka mid ahaa guddiga qoraalka dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya ayaa aad u soo dhaweeyay doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo Prof. Jawaari ku sheegay shaqsi aan xanaf lahayn, Soomaaliyna ku hoggaamin kara dimuqraadiyad.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya