Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Kadib kulamo is daba-jooga ah oo maalmihii ugu danbeeyayba uga socday mas’uuliyiinta Ahlusunna Waljameeca ee Gobolka Galguduud ayay ugu dambeyntii ku go’aansadeen inay sameystaan maamul gobolleed u gaar ah.
Guddoomiyaha guddiga talada Ahlu Sunna Waljameeca Shiikh Cumar Shiikh C/qaadir ayaa warbaahinta u sheegay in kulamada ay lahaayeen intooda badan looga arinsanayay sidii loo dhisi lahaa maamul gobolleed ku dhisan siyaasada ururka Ahlusunna Waljameeca.
"Waxaan go’aan ku gaarnay in aan dhisno maamul gobolleed ku dhisan siyaasada ururka, madaama waqti dheer lagu soo howlgalayay magaca Alu Sunna Waljameeca,’’ ayuu Shiikh Cumar Shiikh C/qaadir.
Wuxuu intaas ku daray in hadda dalku uu ka gubay marxaladii ku-meel-gaarnimada loona gudbay dowlad rasmi ah oo ku dhisan habka federaalka, sidaa daraadeed ay lamaga maarmaan noqotay in Ahlu Sunna ay sameytaan maamul gobolleed u gaar ah.
"Magaca Ahlu Sunna mudo ku dhan Afar sano ama ka badan ayaa lagu soo howlgalayay, sidaa daraadeed waa in uu isku badalaa ismaamul gobolleed, si aynu ula jaan-qaadno is badalka cusub ee dalka ka jira," ayuu yiri guddoomiyaha.
Maamulka Ahlusunna oo inta badan ka ka jira deegaannada gobollka Galguduud aya dagaal ba’an kula jira xoogagga Xarrakada Al-shabaab oo ay ku loolamayaan gacan ku heynta gobollka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya
Mas’uuliyiinta Maamulka Ahlusunna Waljamaaca oo sheegay inay sameysanayaan maamul Gobolleed u gaar ah
More News
- Hoggaamiye Kooxeedyadii horay loo diiday oo loo ogolaaday in Baarlamaanka cusub ay ka mid noqdaan iyo Muran ka taagan Arrintan
- Madaxweynaha Somaliland oo shaqadii ka eryay Wasiirkii Warfaafinta Somaliland iyo Sababta loo Aanaynayo xil ka qaadistiisa
- Faahfaahin dheeri ah oo kasoo baxaysa dagaal saaka ka dhacay Deegaanno ka tisran Gobolka Jubbada Hoose
- Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo kalankiisii ugu horeeyay maanta la yeeshay Wakiillo ka Socday Beesha Calaamka
- Siyaasiyiin kasoo baxay UDUB oo ku biiray KULMIYE soo bandhigay Awoodda taageero ee ay kusoo biirinayaan Xisbiga Talada haya
- Dagaal u dhexeeya Ciidamada Soomaaliya, Kenya, Raaskambooni iyo Al-shabaab oo ka socda Gobolka Jubada Hoose
- Ciidammo ka tirsan Booliiska dalka Kenya iyo dad shacab ah oo ku dhintay Qaraxyo ka dhacay Magaalada Mombasa
- Madaxweynaha Soomaaliya oo u Hambalyeeyay Guddoonka Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya loo doortay
- Qaraxyo Khasaare Nafeed Geysay oo Xalay ka dhacay Magaalada Marko ee Xarunta Gobolka Shabeellada Hoose