4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 29, 2012
Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo kalankiisii ugu horeeyay maanta la yeeshay Wakiillo ka Socday Beesha Calaamka
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo la doortay shalay, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa wuxuu kulankiisii ugu horreeyay la yeeshay maanta wakiillo ka socday beesha calaamka oo uu ku jiray wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaablisan arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga.

Wakiillada ayaa waxay ka socdeen Midowga Yurub oo ay ka mid yihiin Talyaaniga, Ingiriiska, Norway, waxaana sidoo kale ka mid ahaa wakiilka Mareykanka ee dalka Soomaaliya, wakiillada IGAD iyo xubno kale, waxaana guddoomiyaha uu sheegay in kulanku uu ahaa mid isbarasho ah.

"Maanta waxaan fursad isku helay inaan kulanno wakiillo ka socday Midowga Yurub iyo Mareykanka, waxaana kulanka oo isbarasho ahaa aan uga hadalnay sidii labada dhinac uu iskaashi u dhexmari," ayuu yiri Prof. Jawaari oo saxaafadda la hadlay markii uu kulanku soo xirmay.

Ergayga Midowga Yurub ee arrimaha Soomaaliya, Alex Rondos oo isaguna hadal ka jeediyay shirka jaraa'id ayaa sheegay inay ka go'an tahay inay taageero siiyaan baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna doorashada Jawaari ku tilmaamay tallaabo kale oo horay loo qaaday, isagoo ku baaqay in si dhaqso ah loo qabto doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay ka go'an tahay inuusan dib u dhac ku imaanayn doorashada madaxweynaha Soomaaliya, isagoo xusay in baarlamaanku ka tashan doono berri oo Khamiis ah habka ay doorashada madaxweynuhu u dhacayso.

"Tani waa horumar rajo xambaarsan," ayuu yiri dajire Augustine Mahiga oo ka mid ahaa xubnihii beesha caalamka ka socday, isagoo guddoomiyaha baarlamaanka ku boorriyay in doorashada madaxweynaha ay ku dhacdo muddo 10 maalmood gudahood ah.

Ma jirto xilli loo qabtay inay doorashada madaxweynuhu dhacayso iyadoo qorshuhu ahaa inay dhacdo 20-kii bishan Ogoosto, waxaase ku yimid dib u dhac, kaasoo ka dhashay muran ku saabsan xildhibaannadii lasoo xulay oo qaarkood ay diideen guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka Soomaaliya.

"Waxaan kula talinaynaa Jawaari inuu qabanqaabiyo doorashada madaxweynaha iyadoo aanay wax dib u dhac ah dhicin," ayuu yiri James Swan oo ah wakiilka Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya oo ka mid ahaa wafdigii beesha caalamka ka socday. Isagoo doorashada guddoomiyaha ku tilmaamay mid taariikhi ah.

Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa u tartamaya murashaxiin ka badan 25, kuwaasoo olole doorasho kawada magaalada Muqdisho, waxaana xubnahaas ka mid ah, madaxda dowladda uu xilligeedu dhamaaday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya