4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 27, 2012
Afhayeenka AMISOM oo sheegay in Ciidamada Dowladda iyo AMISOM ay la wareegeen gacan ku haynta Degmada Marko
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika (AMISOM), Col. Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay in maanta ay ciidamadooda iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo iskaashanaya ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta degmada Marko ee gobolka Shabeellada hoose.


Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa la sheegay inay xaafado ka tirsan degmada Marko ku sugan yihiin halka kuwo AMSIOM oo wata taagiyo iyo gaadiid kale oo dagaal ay ku sugan yihiin daafaha degmadaas oo 90-km Koonfur kaga beegan xarunta Soomaaliya ee Muqdisho.

"Waxaan qabsannay Marko, waxaan saakay inagoo kaashanayna ciidamada dowladda Soomaaliya," ayuu yiri afhayeenka AMISOM, Col. Xaamud oo intaas ku daray. "Dagaallo aan xooganayn ayaa dhacay intii aanan gelin Marko, xoogaggii Al-shabaabna way isaga baxeen degmadaas."

Goobjoogayaal ku sugan degmada Marko ayaa waxay sheegeen inay xaafado ka mid ah degmadaas ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya, cabsi badana ay ka jirto degmada.

Degmada Marko ayaa waxay ka mid noqonaysaa degmooyin dhowr oo ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay kala wareegeen Al-shabaab, kuwaasoo oo ay ku jirto degmada Afgooye oo 30-km galbeed kaga beegan Muqdisho.

Xoogaggii Al-shabaab ee degmada Marko ku sugnaa ayaa la sheegay inay aadeen dhinaca degmada Baraawe oo gobolkaas ka tirsan, waxaana la sheegay inay isku dayayso Al-shabaab inay difaacato degmada Kismaayo oo ay dagaallo ku wajahan yihiin.

Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa tani waxay u noqonaysaa guulihii ugu waaweynaa ee ay gaareen tan iyo markii ay howgalkooda ka bilaabeen gudaha Soomaaliya sannadkii 2007, iyagoo dagaalo sanadkii hore dhacay ku qasbay Al-shabaab inay isaga baxeen fariisimihii ay Muqdisho kaga sugnaayeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya