4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 27, 2012
Madaxda Soomaalida iyo Guddoomiyaha KMG Baarlamaanka oo Muqdisho kula kulmay Wafdi ka socday Midowga Yurub (SAWIRRO)
EU.jpg
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, C/weli Maxamed Cali, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka Soomaaliya, Jen. Muuse Xasan ayaa maanta Muqdisho kulan kula yeeshay wafdi ay hoggaaminayso wakiilka midowga Yurub u qaabilsan arrimaha dibadda iyo siyaasadda ammaanka, Catherine Ashton.

Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil uu ka mid yahay taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliya, Shariif Sheekhunaa Maye ayaa waxaa looga hadlay sidii lagu dhammeystiri lahaa marxaladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya sida ay howluhu u socdaan iyo siyaasadda Midowga Yurub ee Soomaaliya.

“Wafdiga waxaan kawada hadalnay marxalaadda u dalk ku sugan yahay, waxaana kala qaadannay warbixinno ku saabsan wixii la soo maray iyo sidii lagu dhameystiri lahaa howsha yar ee hartay," ayuu yiri Shariif Sheekh oo intaas ku daray. "Wixii aan ka hadalnay waxaa ka mid ahaa sida loo dhammeynayo howshan harsan iyo sida la rabo inay Soomaaliya noqoto waqtiga soo socda. dhammaan waxyaabihii aan ka hadlanay waan isku afgarannay.”

EU2.jpg

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Catherine Ashton ay ballan-qaadday in Midowga Yurub uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya. Iyaguna ay uga mahadcelinayaan taageerada uu Midowga Yurub siiyo Soomaaliya.

“Waxaan u sheegnay in howlaha harsan si wanaagsan loo dhammeystiri doono, doorashada baarlamaankana ay dhici doonto berri oo Talaado ah haddii Alle idmo, doorashooyinka kalena ay daba socon doonaan. Taasna waxay u arkeen inay tahay horumar weyn oo Soomaaliya ay ku tallaabsatay, kaasoo taabanayaa dhinacyada ammaanka, Siyaasadda iyo arrimaha bulshada,” ayuu yiri Shariif Sheekh.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ka bixitaanka KMG ay u horseedayso dadka Soomaaliyeed inay ka gudbaan dhibaatada muddada heysatay, sidaa darteedna loo baahan yahay in qof kasta ay taageerto hannaankan dib loogu dhisayo dowlad dhammeystiran oo hanata waajibaadkeeda, iyadoo loo marayo jid nabadeed oo xoojinaya horumarka dalka ka jira.

Imaanshaha wafdigan ka socda Midowga Yurub ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli uu taagan yahay muran weyn oo ku saabsan xildhibaannadii dib loo celiyay, kuwaas oo la filayo inay maanta maxkamadda sare ee dalka go'aan ka gaarto.

EU3.jpg
EU4.jpg
EU5.jpg
EU6.jpg

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya