4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 27, 2012
Madaxweynaha Puntland oo ku eedeeyay Madaxweyne Shariif Sheekh inuu doonayo in Baarlamaanka ku daro Dagaal-Oogayaal

Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed inuu doonayo inuu baarlamaanka cusub ee Soomaaliya kusoo xubno dagaal-oogayaal ay hogay u diideen guddiga farsamo ee xulista baarlamaanka.

C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in heshiisyadii la gaaray aysan ku jirin inuu ka mid noqdo baarlamaanka cusub qof dagaal-oogenimo ku eedeysan ama xajir ah, isagoo sheegay in dadka doonaya inay kuwaas baarlamaanka ka mid noqdaan ay kasoo horjeedaan rajada yar ee Soomaaliya u bidhaantay.

"Heshiisyadii horay loo gaaray waxaa ka mid ah in cidda ka mid noqonaysa xubnaha baarlamaanka ay buuxiso shuruudo badan oo ay ka mid yihiin inuu xushmad ku dhex leeyahay bushada, inuusan ahayn dagaal-ooge iyo inuusan ahayn qof xagjir," ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo u warramayay BBC-da.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in qofkii aan xubnahaas ka mid ahayn uu xaq u leeyahay inuu dacwoodo ogaadana sababta loogu diiday ka mid noqoshada baarlamaanka, balse dadka maxkamadda sare loo gudbiyay ay yihiin kuwii dhibaatada geystay oo doonaya inay mar kale madax ka noqdaan dalkan.

"Dalkan in ka badan labaatan sano ayay dhibaato ka jirtay, waxaana sababay dad kuwaasoo dowladihii hore ka mid noqday oo fidno gudaha ka abuurayay, waxayna doonayaan inay ka horistaagaan inay baarlamaanka ka mid noqdaan dadka nadiifka ah ee wax-qaban kara," ayuu yiri Faroole

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in xubnihii maxkamadaha Islaamka ay la mid yihiin dagaal-oogayaashii dalka ayna yihiin kuwa israadinaya, wuxuuna ku daray hadalkiisa in xubnahaas iyo kuwa doonaya inay baarlamaanka ka mid noqdan aysan ehel u noqon karin inay dalka hoggaamiyaan.

Hadalka madaxweynaha Faroole ayaa imaanaya iyadoo madaxda DKMG ahayd ay soo jeediyeen inaan shaqsiyaad gaar ah oo aysan maxkamadi dambiyo ku caddeyn aan la bartilmaameedsan oo ay ka mid noqon karaan baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya