4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 27, 2012
Caruur ku Dhimatay Qarax Bambaano ka dhacay Dugsi ku yaalla Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada dhexe
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan caruur ah ayaa ku dhintay 10 kalena way ku dhaawacmeen qarax bambaano oo maanta ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabellada hoose.

Mas'uuliyiinta gobolka Shabellada dhexe ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay bambaano kuwa gacanta ah oo ay caruurtu ku dheeleen ayna si lama filaan ah ugu qaraxday.

"Qaraxu wuxuu ahaa mid xooggan, waxaana bamka uu qarxay markii ay caruurtu ku dheeleen," ayuu yiri guddoomiyaha Shabeellada dhexe, Cabdi Jiinoow Calasoow oo la hadlayay warbaahinta qaraxa kaddib.

"Ugu yaraan shan caruur ah ayaa ku dhintay 10 kalena way ku dhaawacmeen," oo intaask daray. "Dhimashadu way ka badan kartaa intaas waayo dhaawacyo badan oo halis ah ayaa jira." 

Degmada Balcad oo 30-km dhinaca Waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho ayaa waxay ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM kala wereegeen Al-shabaab dabayaaqadii bishii Juun ee sannadkan.

"Waxaan maqlay qarax weyn, daqiiqado kaddibna waxaan arkay hooyooyin ooyaya," ayuu yiri Cabdifataax Maxamed oo ah goobjoog ku  sugan degamda Balcad ee gobolka Shabeellada hoose oo saxaafadda la hadlay.

Macallinkii dugsiga ayaa la sheegay in xilliga uu qaraxu dhacayay uusan ku sugnayn halkaas, iyadoo ardayda ku sugnaa dugsiga ay tiradoodu ahayd 20, kuwaasoo inta ugu badan uu qaraxaas gaarsiiyay dhaawacyo halis ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya