4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 27, 2012
Golaha Ammaanka ee UN-ka oo xayiraad saaray Wadaad Kenyan ah oo lagu Eedeeyay inuu Taageero Al-shabaab
Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunno-qabteyn saaray, Abuubakar Shariif Axmed oo ah wadaad Kenyan ah, kaasoo lagu eedeeyay inuu taageero siiyay Xarakada Al-shabaab.

Axmed oo Kenyan ah ayaa la sheegay inuu Al-sabaab u fududeeyay sidii ay uga heli lahayd dalka Kenya dhallinyaro u dagaalanta. Iyadoo la sheegay inuu ku tukan jiray masjid ku yaalla degmada Mombasa ee dalka Kenya halkaasoo uu howsha kawaday.

"Wuxuu qalab ku taageeray kooxo Kenyan oo gacan-saar la leh Al-shabaab oo ah koox argagaxiso ah iyo weli kooxo kale oo ka jira bariga Afrika," ayuu lagu sheegay warka uu goluhu soo saaray. "Wuxuu dhowr jeer oo hore booqday magaalooyinka ay ku xooggan tahay Al-shabaab sida Kismaayo, wuxuuna xiriir adga la leeyahay Al-Shabaab."

Xarakada Al-shabaab oo horay u shaacisay inay ku biirtay shabakada Al-Qaacida ayaa waxay weli ka talinaysaa dhul ballaaran oo Soomaaliya ku yaalla, iyadoo isku dayaysay saddexdii sano ee lasoo dhaafay inay xukunka ka tuurto dowladda itaalka yar ee Soomaaliya oo ay taageeraan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.

Ciidamada amaanka Kenyanka ayaa laba sano ka hor xiray Abuubakar Axmed ayaa laba sano ka hor xiray kaddib markii lagu eedeeyay inuu gacan ku lahaa qarax lagu weeraray xarun laga raaro basaska oo ay ku dhinteen saddex qof tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Dowladda Mareykanka ayaa bishii hore cunno-qabteyn kusoo rogtay lix qof oo Kenyan ah oo uu ku jiro Abuubakar Shariif, kaddib markii ay ku eedeeyeen gacan ka geystay hurinta colaadaha Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya