3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 14, 2012
Shiikh Umal oo ka hadlay cunista Hilibka Waraabaha

Talaado, August 15, 2012(HOL): Maalmihii aanu ka soo gudubnay  waxaa isa soo tarayay war ku saabsan in Xarrakada Al-Shabaab ee gacanta ku haya magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ay dadka magaaladaas u xalaaleysay cunista hilibka Waraabaha ama Dhurwaaga.

Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da oo arrintan raad-raac ku sameysay ayaa waxay wareysi la yeelatay dad ku sugan Magaalada Kismaayo iyo Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah Culumaa’udiinka waa weyn ee dalka Soomaaliya iyo dibaddiisa sida weyn looga yaqaanno.

Shiikh Maxamed Cabdi Umal ayaa wuxuu ka hadlay cunista hilibka Waraabaha, wuxuuna sheegay in uu cunista hilibka xayawaankaas uu yahay mid bannaan oo la cuni karo, isla markaana ay banneysay diinta Islaamka.

“Walaal Waraabaha ama dhurwaaga sida loo yaqaanno xadiith ayaa ku soo arooray cunistiisa, waana xadiith-ka saxaabiga Jaabir werinayo. Wuxuu Jaabir sheegay in Nabiga CSW uu sheegay in hilibka waraabaha la cuni karo, isla markaana uu Ugaar yahay. Xadiith-kan waa saxiix, waxaana soo saaray Axmed iyo Afarta Ahlu Sunnanka ah, isla markaana ay saxiixiyeen Bukhaari iyo culumo kale”ayuu yiri Shiikh Maxamed Umal oo soo daliishaday mas’alo shaaficiyah ah oo sheegeysa in ay carabta suuqyayada ku kala iibsan jireen hilibka dhurwaaga, cid diidi jirtayna aysan jirin, iyadoo uu tibaaxay in ay weliba carabta aad u jecleyd hilibka Dhurwaaga.

“Kutubteena Fiqiga ugub kuma aha oo Minhaajka iyo kutubta ka hooseysa waa ku taallaa, balse culumadeenna ayaa si kale u fasirtay oo yiri {waraabaha waa midka aan dhulkeena joogin waana midka nacaska ah ee  dhulka carabaha jooga ee aan xoolaha cunin} ayay ku sheegi jireen, wax diidayana ma jiro, kutubta Imaamu Shaaficina waa ku taallaa. Mutjamaceenana waxa aysan u cuni jirin culumada ayaa tafsiirkaas siisay, haddana baahi ayaaba jirta oo dadka waxay mararka qaar gaarayaan xilligii bakhtiga u bannaanaa”ayuu yiri Shiikh Umal oo caddeeyay in warka guntiisa iyo gunaanadkiisa uu yahay in  cunista hilibka waraabaha ama dhurwaaga uu bannaan yahay.


Halkan ka dhegeysto Warbixinta VOA

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada Kisamayo ayaa VOA-da u sheegay in hilibka waraabaha si caadi ah loogu kala iibsado suuqyada hilibka lagu iibiyo, isla markaana hilibkiisa iyo subaggiisa la kala siisyo lacag aad u badan, iyadoo ay xuseen dadkani in markii hore hilibka Dhurwaaga lagu kala iibsan jiray si qarsoodi ah, balse hadda si caadi ah loo kala iibsado. Kiilada Hilibka Waraabaha ayaa la kala siistaa 5.50$, halka Kiiladii Subagga ahna la kala siisto 10$.

Dhegeystahani la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da waxaa uu sheegay in dadka qaarkiisa ay rumeysan yihiin in cunista hilibka dhurwaaga ay dawo u tahay xanuunno ay ka mid yihiin jinka sixirka iyo qallalka, iyadoo taasina si aad ah loola yaabay.

Ugu dambeyntiina, dhegeyste kale oo magaciisa qariyay oo hilibka Dhurwaaga ama Waraabaha cunay ayaa sheegay in hilibkan uusan wax badan ka duwaneyn hilib Ariga gaar ahaana midka Dheyllada ah. Dad badan oo ku nool magaalada Kismaayo ayaa ka maagay in ay hilib ka soo iibsadaan suuqyada, iyago ka baqdin qaba in ay soo iibsadaan hilibka Dhurwaaga maadaama ay meel wada suran yihiin hilibkii Ariga iyo midkii Dhurwaaga ama Waraabaha.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/14/2012 2:59 PM EST
Talaado, Ogoosto 14, 2012 (HOL) — Saddex diyaaradood oo kasoo duulay dalka Uganda si ay u xoojiyaan ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa ku burburay Kenya iyadoo la sheeagyo in loogu talogalay inay ka qaybqaataan qabsashada magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.

8/14/2012 10:10 AM EST
Talaado, Ogoosto 14, 2012 (HOL) — Dhismaha kulliyad lagu baranayo cilmiga caafimaadka oo ka tirsan jaamacadda Horseed oo ka mid ah jaamacadaha Muqdisho ka howlgala ayaa waxaa maanta dhagax-dhigay wasiirka waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee DKMG ah, Axmed Caydiid C/raxmaan.

8/14/2012 9:48 AM EST
Talaado, Ogoosto 14, 2012 (HOL) — Xiriiriyaha dhinaca gargaarka bani'aadamnimo ee Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay, Mark Bowden ayaa maanta ka digay in la weeraro magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose oo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.

8/14/2012 9:27 AM EST
Talaado, Ogoosto 14, 2012 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada ayaa maanta kulan la qaatay wafti uu hoggaaminayo xoghayaha joogtada ah ee wasaarada arrimaha dibada Kenya, Thuite Wmangi waxayna kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya labada wadan.

8/14/2012 9:11 AM EST
Talaado, Ogoosto 14, 2012 (HOL) — Ciidammo ka tirsan milateriga dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo tiradoodu gaarayso 602-askari ayaa maanta tababar loogu soo xiray xero tababar oo ciidamada dowladda KMG ah ay ku leeyihiin deegaanka Jasiira ee duleedka Muqdisho, waxaana la sheegay in ciidamadaas ay ka qayb-qaadanayaan sugidda ammaanka Muqdisho inta doorashooyinku socdaan.

8/14/2012 9:06 AM EST
Talaado, Ogoosto 14, 2012 (HOL) — Guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inay ku dhawaaqi doonaan magacyada 150 xildhibaan oo ka mid ah kuwa baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, kuwaasoo ay sheegeen inay ka gudbeen baaritaankii lagu sameynayay.

8/14/2012 8:29 AM EST
Talaado, Ogoosto 14, 2012 (HOL) — Ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ayaa saacadihii aynu soo dhaafnay ka waday magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiraan howlgal looga hortagayo falalka amaan darro ee mar marka qaar ka dhaca magaalada.

8/14/2012 7:04 AM EST
Talaado, Ogoosto 14, 2012 (HOL) — Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Nabad-sugidda DKMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu dilay afaafka hore ee dekedda Muqdisho, waxaana dilkiisa fuliyay hal ruux oo qori ka dafay askari ka tirsan ciidamada DKMG ah oo halkaas ku suganaa.

8/14/2012 6:48 AM EST
Talaado, Ogoosto 14, 2012 (HOL) — Ururka Midowga Afirka ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin hanjabaado dil ah oo loo dirayo guddiga farsamada ee xulitaanka xildhibaannada cusub ee baarlamaanka, kuwaasoo ay sheegeen inay ka dambeeyaan shaqsiyaad doonaya in xildhibaanno ay wataan loogu daro xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

8/14/2012 5:23 AM EST
C/laahi axmed Cadow oo markale isu soo taagay doorashada madaxtinimada lana hadlayay warbaahinta ayaa waxa uu ka hadlay xaalada dalka iyo doorashada lagu wado in maalmaha soo socda ay ka dhacdo Muqdisho.