4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 14, 2012
Midowga Afrika oo shaaciyay in Guddiga Xulista Xidhibaannada loo diro Fariimo loogu sheegayo in la dili doono
Talaado, Ogoosto 14, 2012 (HOL) — Ururka Midowga Afirka ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin hanjabaado dil ah oo loo dirayo guddiga farsamada ee xulitaanka xildhibaannada cusub ee baarlamaanka, kuwaasoo ay sheegeen inay ka dambeeyaan shaqsiyaad doonaya in xildhibaanno ay wataan loogu daro xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

Ku xigeenka ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, Wafula Wamunyinyi ayaa hoosta ka xariiqay in shaqsiyaadkaas ay doonayaan inay handadaan xubno ugu yeeshaan baarlamaanka, sidoo kalena ay madaxda siyaasadda Soomaalidu ay faragelin ku hayaan gudigga xulista xidhibaannada ee TCS-ka loo yaqaan.

"Waxaan cambaareynaynaa tallaabo walba oo lagu doonayo in lagu carqaladeeyo hannaanka lagu doonayo in lagu soo gabgabeeyo xillliga KMG ah ee Soomaaliya; Midowga Afrikana waxaa ka go'an inuu taageero shacabka Soomaaliyeed sidii ay uga bixi lahaayeen KMG-nimada," ayuu yiri Wamunyinyi.

Sidoo kale, Wafula wuxuu beesha caalamka ugu baaqay inay tallaabo muuqata ka qaataan shaqsiyaadka carqaladeynaya ka bixitaanka xilliga meel ku gaarka ah, isla markaana aan loo ogolaan kuwa qaswadayaasha ah inay carqaladooda sii wataan.

"Hanjabaadaha la dirayo ma noqon doonaan kuwo horjoogsada hannaanka lagu soo afjarayo xilliga KMG ah si horay loogu socdo, waana sii soconaysaa in aqoontooda lagu soo doorto xildhibaannada cusub," ayuu ku xigeenka ergaygu ku yiri qoraal uu soo saaray maanta oo Talaado ah.

Ergaygu wuxuu sheegay inaysan AMISOM fursad siin doonin kuwa doonaya inay carqalad ku abuuraan hannaanka Soomaaliya uga baxayso rasbshadihii soo jiray tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-kii.

Ugu dambeyn, Wamunyinyi wuxuu ugu baaqay madaxda Soomaalida inay horay u sii wadaan howsha lagu dhameystirayo xilliga ku meel gaarka ah, ayna ka shaqeeyaan sidii amaanka Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka loo xoojin lahaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya