Talaado, Ogoosto 14, 2012 (HOL) — Guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inay ku dhawaaqi doonaan magacyada 150 xildhibaan oo ka mid ah kuwa baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, kuwaasoo ay sheegeen inay ka gudbeen baaritaankii lagu sameynayay.
Mas'uuliyiin ka tirsan guddiga ayaa sheegay in laga yaabo in maanta magacyada xubnaha la hayo lagu dhawaaqo, waxayna xuseen in xildhibaannadan dhiman oo qaar ka mid ah dib loo celiyay lagu soo dhameystiro doono labada maalmood ee soo socda.
Iyadoo guddigu ay hadalkan maanta sheegeen ayaa waxaa haddana weli jira muran xooggan oo u dhexeeya beelaha, kaasoo ku saabsan xubnaha xildhibaannada ah ee dib loo celiyay iyo kuwo ku andacoonaya in boosaskoodii la boobay.
Xildhibaannada la hayo ayaa waxaa ku jira wasiirro iyo xildhibaanno horay uga mid ahaa baarlamaannadii dalka soo maray, waxayna guddig sheegeen in baaritaan lagu sameeyay ay ku guuleysteen, sidoo kalena aysan wax cillad ah oo ay u hayaan.
Guddiga xallinta khilaafaadka ayaa iyaguna sheegay inay soo gaarayaan dawooyin ku saabsan boosas xildhibaan oo lagu muransan yahay, iyagoo sheegay inay ku jiraan qorshihii ay ku xallin lahaayeen, inkastoo aysan sheegin xilliga ay kusoo af-meeri karaan xallinta khilaafaadyada taagan.
Dhanka kale, waxaa jira walaac ay ururka Midowga Afrika muujinayaan kaasoo ku aaddan in guddiga xulaya xildhibaannada loogu hanjabayo dil, waxayna xuseen inay ka dambeeyaan farriimahaas shaqsiyaad doonaya inay ka mid noqdaan xubnaha soo socda iyo kuwo kale oo doonaya inay xildhibaannada qaar taageersan ku yeeshaan.
Waxaa jirta in boosaska baarlamaanka la kala iibsanayo, iyadoo la sheegay in xubno badan oo ka tirsan baarlamaanka ay kuraasta ku heleen lacago badan oo laaluush ah, kuwaasoo ay siiyeen xubnihii ay boosaska ka gadanayeen, halka kuwo kalena la sheegayo inay lacago siiyeen odayaasha xulista baarlamaanka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Guddiga Farsamada ee Xulista Baarlamaanka oo sheegay inay Maanta shaacinayaan Xildhibaannada ay hayaan
More News
- Shiikh Umal oo ka hadlay cunista Hilibka Waraabaha
- Diyaaradihii Uganda ee ku sii jeeday Soomaaliya oo burburkoodii laga helay bartamaha dalka Kenya (SAWIRRO)
- Kulliyad lagu baranayo cilmiga Caafimaadka oo ay maalgelisay Hay'ad Turki ah oo dhismaheeda laga bilaabay Muqdisho
- Qaramada Midoobay oo ka digtay in la Weeraro Magaalada xeebeedda Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose
- Ra'iisul Wasaaraha Somalia oo Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya
- Tababar Ciidammo ka tirsan Milateriga Soomaaliya loogu soo xiray deegaanka Jasiira ee deegaanka Muqdisho
- Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan oo Magaalada Baladweyne ka sameeyay howgal lagu sugayay Ammaanka
- Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugidda DKMG ah oo lagu dilay Afaafka hore ee Dekedda weyn ee Muqdisho
- Midowga Afrika oo shaaciyay in Guddiga Xulista Xidhibaannada loo diro Fariimo loogu sheegayo in la dili doono
- Danjire C/llaahi Axmed Caddow oo sheegay inuu soo celinayo Haykalkii Dowladnimo ee Soomaaliya ay lahayd