Talaado, Ogoosto 14, 2012 (HOL) — Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Nabad-sugidda DKMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu dilay afaafka hore ee dekedda Muqdisho, waxaana dilkiisa fuliyay hal ruux oo qori ka dafay askari ka tirsan ciidamada DKMG ah oo halkaas ku suganaa.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ninka dilka geystay iyo sarkaalka aysan jirin wax hadal ah oo dhexmaray, basle markii uu sarkaalku goobta yimid uu ninkaas qorigiisii ka dafay askari ka tirsan kuwa dowladda uuna ku dilay sarkaalka, markaas kaddibna la baxsaday qorigii.
"Sarkaal ka dilay waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Maxamuud (Afweyne) waxaana toogtay wiil dhallinyaro ah, mana jirin ilaalo la socotay sarkaalka," ayuu goobjooge ku sugan goobta uu falku ka dhacay u sheegay saxaafadda.
Ciidammo ka tirsan dowladda KMG ah oo dilka ka ddib soo gaartay goobta ayaa waxay baaritaanno ay sameeyeen ku qabteen askarigii qorigiisa lagu dilay sarkaalka ka tirsanaa ciidamada nabadsugidda dowladda.
"Askarigii qoriga laga dafay waxaa loo taxaabay xabsiga, ma garan karno inuu wax ka ogaa dilka sarkaalka iyo in kale, balse isaga ayaa la qabtay ruuxii dilka geystayna waa baxsaday," ayuu yiri goobjooge kale oo warbaahinta la hadlay.
Maamulka degmada Xamarjabab ayaa xaqiijiyay inuu dilku ka dhacay degmadooda balse waxay sheegeen inaysan iyagu ka hadlayn oo laga doonayo inay ka hadlaan maamulka dekedda Muqdisho.
Inkastoo aysan jirin cid weli sheegatay inay mas'uul ka tahay dilka sarkaalkan ayaa haddana waxaa dilalka saraakiisha dowladda loogu geysto Muqdisho sheegatay inay mas'uul ka tahay Xarakada Al-shabaab oo muddo sannado ah la dagaalamaysa DKMG ah ee Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugidda DKMG ah oo lagu dilay Afaafka hore ee Dekedda weyn ee Muqdisho
More News
- Shiikh Umal oo ka hadlay cunista Hilibka Waraabaha
- Diyaaradihii Uganda ee ku sii jeeday Soomaaliya oo burburkoodii laga helay bartamaha dalka Kenya (SAWIRRO)
- Kulliyad lagu baranayo cilmiga Caafimaadka oo ay maalgelisay Hay'ad Turki ah oo dhismaheeda laga bilaabay Muqdisho
- Qaramada Midoobay oo ka digtay in la Weeraro Magaalada xeebeedda Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose
- Ra'iisul Wasaaraha Somalia oo Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya
- Tababar Ciidammo ka tirsan Milateriga Soomaaliya loogu soo xiray deegaanka Jasiira ee deegaanka Muqdisho
- Guddiga Farsamada ee Xulista Baarlamaanka oo sheegay inay Maanta shaacinayaan Xildhibaannada ay hayaan
- Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan oo Magaalada Baladweyne ka sameeyay howgal lagu sugayay Ammaanka
- Midowga Afrika oo shaaciyay in Guddiga Xulista Xidhibaannada loo diro Fariimo loogu sheegayo in la dili doono
- Danjire C/llaahi Axmed Caddow oo sheegay inuu soo celinayo Haykalkii Dowladnimo ee Soomaaliya ay lahayd