Talaado, Ogoosto 14, 2012 (HOL) — Ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ayaa saacadihii aynu soo dhaafnay ka waday magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiraan howlgal looga hortagayo falalka amaan darro ee mar marka qaar ka dhaca magaalada.
Howlgalkan oo ay si wada jir ah uga qeyb-qaadanayeen ciidamo baliis ah iyo kuwa nabad-sugida gobollka ayaa laga sameeyay dhamaan xaafaddaha ay magaaladu ka kooban tahay sida ay HOL u sheegeen saraakiisha ciidamada ee maamulka gobollka Hiiraan.
Taliyaha saldhiga baliiska maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Dhuux ayaa sheegay in howlgalka ay wadaan ciidamadu yahay mid looga hortagayo sida uu hadalka u dhigay kooxaha ku howlan falalka amaan darro, waxaana uu sheegay in howlgalkii ugu danbeeyay oo ay ciidamadu sameeyeen lagu soo qab qabtay dad la tuhunsan yahay.
Dhawaan ayay aheyd markii uu maamulka gobollka Hiiraan dib u howlgaliyay ciidamada baliiska gobollka kuwaasoo tan iyo wixii waqtigaa ka danbeeyay ku howlanaa sugida amaanka magalada.
Laakiin iyadoo ay taa jirto ayaa haddana waxaa magaalada mar marka qaar ka dhaca qaraxyo loo adeegsado miino, waxaana ay balan qaadeen saraakiisha maamulka in sida ugu dhaqsiyaha badan u soo afjarayaan falalka dhaca xiliyada qaar.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne Soomaaliya
Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan oo Magaalada Baladweyne ka sameeyay howgal lagu sugayay Ammaanka
More News
- Shiikh Umal oo ka hadlay cunista Hilibka Waraabaha
- Diyaaradihii Uganda ee ku sii jeeday Soomaaliya oo burburkoodii laga helay bartamaha dalka Kenya (SAWIRRO)
- Kulliyad lagu baranayo cilmiga Caafimaadka oo ay maalgelisay Hay'ad Turki ah oo dhismaheeda laga bilaabay Muqdisho
- Qaramada Midoobay oo ka digtay in la Weeraro Magaalada xeebeedda Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose
- Ra'iisul Wasaaraha Somalia oo Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya
- Tababar Ciidammo ka tirsan Milateriga Soomaaliya loogu soo xiray deegaanka Jasiira ee deegaanka Muqdisho
- Guddiga Farsamada ee Xulista Baarlamaanka oo sheegay inay Maanta shaacinayaan Xildhibaannada ay hayaan
- Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugidda DKMG ah oo lagu dilay Afaafka hore ee Dekedda weyn ee Muqdisho
- Midowga Afrika oo shaaciyay in Guddiga Xulista Xidhibaannada loo diro Fariimo loogu sheegayo in la dili doono
- Danjire C/llaahi Axmed Caddow oo sheegay inuu soo celinayo Haykalkii Dowladnimo ee Soomaaliya ay lahayd