4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 14, 2012
Danjire C/llaahi Axmed Caddow oo sheegay inuu soo celinayo Haykalkii Dowladnimo ee Soomaaliya ay lahayd

Talaado, August 14, 2012 (HOL) - C/llaahi axmed Cadow oo markale isu soo taagay doorashada madaxtinimada lana hadlayay warbaahinta  ayaa waxa uu ka hadlay xaalada dalka iyo doorashada lagu wado in maalmaha soo socda ay ka dhacdo Muqdisho.

CADOW.jpg

Dr. Cadow oo ka mid ah siyaasiyiinta soomaaliyeed in badana ku soo dhex jiray siyaasada Soomaaliya ayaa ka hadlay sida ay uga go’antahay in dib uu u soo celiyo haykalkii iyo sharaftii dawladnimo ee luntay.

“Aniga waajibka i saaran waa in aan soo celiyo haykalkii dawladnimo, kadibna aan jiilasha cusub dalka ku wareejiyo, waxaan balan qaadayaa haykalkii Dowladnmimo iyo hanaankii waxbarasho caafimaad, dhaqaale iyo magacii Soomaaliya in aan soo Celiyo hadaad I doorataan”ayuu yiri C/llaahi Cadow.

“ Siyaasadu maahan in mar kasta aad ku danaysato waxaana balan qaadayaa in aan Dan dhaqaale iyo mid kale aan idin ka lahayn, waxaan balan qaadayaa in aan Xoolihiina dhacaynin, waxaan balan qaadayaa in Hantidiina gaarka ah aan si xaq ah idiin ku siiyo oo aan idiin kala eexan”ayuu yiri Cadow.

C/laahi Axmed Cadow waxaa uu ahaan  jiray diplamaasi hore, waxaana uu dhowr goor oo hore u tartamay jagada madaxtinimada ee Soomaaliya, iyadoo labo jeer uu galay kaalinta labaad.

 CADOW2.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya