
Isniin, Maarso 07, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofay Muqdisho iyagoo kusii jeeda dalka Mareykanka si ay uga qaybgalo shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ka dhacaya xarunta Qarammada Midoobay ee New York.
"Safarka ra'iisul wasaaraha wuxuu ku saabsan yahay ka qaybgalka kulan hal maalin ah oo looga hadlayo arrimaah dalka Soomaailya oo Khamiista ka dhacaya xarunta Qarammada Midoobay ee New York," ayuu yiri ra'iisul wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar oo saxaafadda uga wabixiyay safarka ra'iisul wasaaraha.
Wasiirku wuxuu sheegay in shirka looga hadli doono xilliga kala guurka ee dowadda iyo dardargelinta taageerada ay beesha caalamka siiso dowladda Soomaaliya, balse inta uu socdo lagu wado in mudane Farmaajo uu ka warbixiyo xaaladda uu dalku ku sugan yahay, waxqabadka dowladda iyo taageerada bani'aadamnimo ee loo baahan yahay.
Safarka ra'iisul wasaaraha ayaa noqonaya kii labaad oo uu ugu dhoofo Mareykanka tan iyo markii uu xafiiska loo magacaabay, isagoo horay uga qaybgalay shir looga hadlay arrimaha dalka Soomaaliya oo ka dhacay xarunta Qarammada Midoobay.
Ra'iisul wasaaraha oo wax ku bartay kana shaqeeyay magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa lagu wadaa in inta uu ku sugan yahay halkaas uu kulammo gaar-gaar ah la yeesho madaxda kasoo qaybgalaya shirka sida u sheegay Oomaar.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo wax laga weydiiyay muddada uu qaadan doono safarka ra'iisul wasaaraha ayaa sheegay inaan la garan karin, balse sida ugu dhaqsiyaha badan uu ra'iisul wasaaruhu ugu soo laaban doono gudaha dalka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya