Xildhibaan sheegay in DKMG ah ay maalmaha soo socda go'aan ka gaari doono dacwadda loo haysto Maxamed Dheere


Isniin, Maarso 07, 2011 (HOL) Xildhibaan Maxamuud Geeddi Ow-Hilowle oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa HOL u sheegay in dowladda Soomaaliya ay maalmaha soo socda go'aan kama dambeys ah ka gaari doonto dacwadda loo haysto guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

Mudane Ow-Hilowle ayaa sheegay in madaxda dowladda KMG ah ay u sheegeen guddi xildhibaanno ah oo uu ka tirsan yahay loona saaray xal ka gaarista dacwadda loo haysto Maxamed Dheere in go'aan kama dambeys ah ay xukuumaddu ka gaarayso maalmaha soo socda eedda loo haysto duqii Muqdisho.

"Go'aanka laga gaari doono ma naqaan wuxuu noqon doono, balse waan ka war-sugaynaa," ayuu yii xildhibaan Geeddi oo intaas ku daray inuu ugu baaqayo dhammaan taageeraya Maxamed dheere ee dibadbaxyada dhigaya inaysan dhigin muddaaharaadyo dambe.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in taaageerayaasha Maxamed dheere ay ogaadaan inay jiraan dad kale oo doonaya inay rabshado abuuraan, isagoo xusay in dibad-baxyadii ay ugu magacdareen kuwo nabadeed ay ahaayeen kuwo rabshado wata.

"Maxamed Dheere iyo Cabdi Qaybdiid oo goob kuwada xiran ayaa lagu wadaa in go'aanka kama dambeysta ah laga gaaro," ayuu xildhibaan Ow-Hilowel oo su'aal ahayd in xubnaha la xiran uu go'aanku saameynayo iyo in kale ka jawaabayay.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo is-garabsanaya ayaa xiray duqii hore ee Muqdisho Maxamed Dheere iyo afar xubnood bishii hore ee Feberaayo, iyadoo lagu eedeeyay inay mas'uul ka ahaayeen dil iyo dhaawacyo loo geystay dad ka qaybqaadanayay dibadbax uu soo abaabulay maamulka gobolka Banaadir.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamed Dheere oo la hadlay saxaafadda kaddib markii la xiray ayaa sheegay inuusan wax dambi ah qabin, uuna ogol yahay inuu sharciga hortago.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya