Hoggaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo sheegay inay qorsheynayaan weerar ay ku qaadaan Kenya

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu-Mansuur)

Isniin, Maarso 07, 2011 (HOL) Hoggaamiye sare oo ka tirsan Xarrakatul Shabaab ayaa sheegay inay ka fiirsanayaan weerarro ay ku qaadaan dalka Kenya oo uu ku eedeeyay inuu qayb ka yahay dagaallada ka socda gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Sheekh Mukhtar Roobow Cali (Abuu-Mansuur), ayaa ku sheegay khudbad uu xalay ka jeediyay masjid ku yaalla deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho in mujaahidiinta looga baahan yahay in ka fiirsadaan weerarro ay ku qaadaan dalka Kenya.

"Gobolka Gedo waxaa laga soo weeraray xuduudda Kenya, waxaana soo weeraray ciidamo ay ka mid yihiin Kenyan iyo Itoobiyaan, jawaab ayaana ka bixin doonnaa arrintaas," ayuu yiri Sheekh Abuu-Mansuur oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha sarsare ee Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

Hoggaamiyahan wuxuu sheegay in dagaalyahannadooda markii ay ogaadeen in dagaalku uu dhinacyo badan ka yimid ay si xeelad dagaal ah uga baxeen degmada Baladxaawo, ayna ka go'an tahay inay ka aargutaan dalka Kenya.

"Jawaabta aan ka bixin doonno daan-daansiga dowladda Kenya wuxuu noqon doonaa mid muuqda ee ma noqon doono mid afka baarkiisa ku eg," ayuu yiri Sheekh Mukhtaar Abuu-Mansuur oo sheegay inay ka go'an tahay inay weeraraan Kenya.

Xoogagga Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ee ka talinayay degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa dorraad dagaal looga qabsaday iyadoo degmadaas, kaddib dagaal socday muddo shan saacadood ah oo khasaare badan dhliyay, iyadoo sidoo kale maanta dagaal la'aan looga degmada Luuq oo iyadana ka tirsan gobolka Gedo.

Sheekh Mukhtaar Abuu-Mansuur ayaa hadalkiisan kusoo beegay xilli uu shalay wasiirka amaanka Qaranka dalka Kenya George Saitoti uu sheegay in dalkiisa uusan lug ku yeelanayn dagaallada ka socda gudaha dalka Soomaaliya, balse ay adkeynayaan ammaanka xuduudda ay la wadaagaan Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya