Isniin, Maarso 07, 2011 (HOL) – Afhayeenka Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho gallinkii dambe ee shalay ayaa ugu baaqay xoogaggooda inay isku diyaarinayaan dagaal ka dhan ah dowladda Itoobiya oo uu sheegay inay kusoo duushay Soomaailya.
"Mujaahidiinta waxaa laga doonayaa inay isku diyaariyaan dagaal la mid ah midkii ay horay ula galeen ciidamada Itoobiya ayna dalka uga saareen, maadaama ay mar kale kusoo duuleen Soomaaliya," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in ciidamada Itoobiya ay gobollada badan oo dalka ka tirsan soo galeen ayna dhibaatooyin ku hayaan, haweenka, caruurta, waayeelka iyo dhallinyarada muslimiinta ah, isagoo ugu baaqay shacabka inay ka qaybqaataan dagaalka ka dhan ah ciidamada Itoobiya.
"Itoobiya ma ahan markii ugu horreysay oo ay Soomaaliya kusoo duushay, dhowr jeer ayay horay ugu soo duushay waxaana ka hortagay oo ka adkaaday shacabka Soomaaliyeed, maantana dagaalladaas oo kale ayay u baahan tahay in la isaga difaaco," ayuu shirkiisa jaraa'id ku sheegay afhayeenka Xarrakatul Shabaab.
Sheekh Cali Dheere, wuxuu sidoo kale xusay in gumeystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga ay dalka ka xoreeyeen dad muslimiin ah oo ka hortagay, ayna diyaar u yihiin dadkaas inay mar kale ka hortagaan Itoobiya oo doonaysa inay Soomaaliya gumeysato.
Dhanka kale, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu-Mansuur) oo isaguna xalay ka hadlay masjid ku yaalla deegaanka Ceelasha biyaha ee ay ku sugan yihiin dadkii dagaallada uga barakacay Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay soo dirstay dowladda Mareykanka, sidaasna ay mar kale kusoo galeen Soomaaliya.
Hadallada mas'uuliyiintan ayaa imaanaya iyadoo ciidamada Itoobiyaan ah oo wata gaadiid dagaal ay ku sugan yihiin degmada Dhuuso-mareen ee gobolka Galguduud, sidoo kalena ay gacan ka geysanayaan dagaallada ay DKMG ah kula wareegayso degmooyin ka tirsan gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaailya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya