Dagaal ciidammo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ku dhexmaray degmada Wadajir ee gobolka Banaadir

Isniin, Maarso 07, 2011 (HOL) Ugu yaraan laba askari ayaa ku dhintay afar kalena waa lagu dhaawacay dagaal maanta degmada Wadajir ku dhexmaray askar kawada tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasoo la sheegay inuu khilaafkooda ka dhashay gaadiid la kala dhacay.

Dagaalka oo ka dhacay xaafadda aargada ee degmada Wadajir ayaa u dhexeeyay ciidamo ka amarqaata maamulka degmadaas iyo ciidamo daacad u ah guddoomiye ku xigeenka degmada Dharkeynley Yuusuf Ibraahim Afrax (Yuusuf Kabaale).

Goobjoogayaal ku sugan degmada ayaa sheegay in xiisadu ay ka bilaabatay gaadiid ay ciidamada degmada Wadajir ka dhaceen guddoomiye ku xigeenka Dharkeynley dagaalkuna uu qarxay markii ciidamada Yuusuf Kabaale ay weerar ku qaadeen goob la sheegay in gaariga la dhacay lagu haystay.

Dagaalka ayaa sababay in ganacsiga xaafadda uu dagaalku ka dhacay irdaha la isugu dhufto, iyadoo dadka deegaanku ay sheegayaan in xaaladdu ay haatan daggan tahay balse laga baqdin qabo inay dagaallo kale dhexmaraan labada ciidan oo is-horfadhiya.

Maamulka degmooyinka Dharkeynley iyo Wadajira ayaan ka hadlin dagaalka u dhex-maray ciidamadooda, sidoo kale xukuumada KMG ah ayaa ka hadlin dagaalka ka dhacay degmada Wadajir oo ka mid ah degmooyinka ay ka taliso.

Dhowr qof oo shacab ah ayaa dhanka kale la xaqiijiyay inay iskahorimaadka ku dhaawacmeen, kuwaasoo dhaawacyadooda la gaarsiiyay isbitaalka Madiina si loogu daweeyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya