Isniin, Maarso 07, 2011 (HOL) – Wasiirka warfaafinta Puntland Axmed Cali Askar oo maanta shir ku qabtay magaalada Garowe ayaa sheegay in dowladu ay difaacayso dadka ku dhaqan gobollada Sool ,Sanaag iyo Cayn.
"Cidna marti ugama nihin inaan daafacno dadka-yaga ee dhibaatada loo gaysanayo, isla markaana la khasbayo "ayuu yiri wasiirka oo muujiyay sida uu uga xunyahay dhibaatooyinka ka jira Laascaanood.
Waxaa kaloo wasiirka uu sheegay in uu aad uga xunyahay xasuuq uu sheegay in Somaliland ay ka gasatay gobolka Cayn,isagoo intaa ku daray in maamulkau uu qaadi doono tallaabooyin muuqda oo arimahaa la xiriira.
"Sida naloo sheegay waxaa jira dad baabuur la marsiiyay iyaga oo dhigaya dibad-baxyo ,mana aqbalayno in dadka-yaga la dhibaateeyo "ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka.
Mar la waydiiyay wasiirka in Puntland ay qaadayso dagaal ka dhan ah Somaliland ayuu xusay in hadii laga fursan waayo ay difaaci doonaan gobollada Sool,Sanaag iyo Cayn.
Axmed Cali Askar ayaa canbaareeyay taageero la sheegay in dowlada Ingiriisku ay siiso maamulka Somaliland ,taasi oo uu ku tilmaamay in ay tahay mid dhibaato ku keenaysa goobaha nabadda ah ee Soomaaliya.
"Dowlada Ingiriiska waa in ay joojisaa taageeradan ay Somaliland dadka ku maqaquuninayso,annagoo doonayna in caalamka uu nala ogaado sida arrintaa aan uga xunahay"ayuu yiri wasiirka oo ku dheeraaday arimaha Somaliland.
Ugu danbayntii hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya ,iyadoo ciidamada Somaliland ay dad badan ku xir-xireen magaalada Laascaanood ,kuwaasi oo dhigayay dibad baxyo ka dhan ah maamulka madaxwyne Siilaanyo.
Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya