Isniin, July 25, 2011 (HOL) – Maxkamada ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya ayaa gallinkii dambe oo maanta Isniin ah ku riday xukun dil ah askari la sheegay inuu dil ugu geystay saakay askari kale afaafka hore ee Hotel Naasa-hablood II ee Muqdisho.
Askariga xukunka lagu riday ayaa lagu magacaabaa Cabdi Kuus Cabdi iyadoo la sheegay inuu dilay askari kale oo lagu magacaabi jiray Xuseen Cabdi Yuusuf oo ay isla shaqeynayeen.
Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada DKMG ah G/sare Xasan Maxamed Xuseen oo la hadlay warbaahinta markii uu xukunku dhacay ayaa sheegay inay u cuskadeen sharciga Islaamka iyo xeerarka ciqaabta ciidamada.
Xukunka dilka ah ee lagu riday askariga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah, iyadoo askariga la xukumay ay ku marqaati kaceen askar kale oo goobjoog ka ahaa xiliga uu dilka geysanayay.
Lama sheegin xiliga xukunka lagu fulinayo askariga la xukumay, wuxuuna qayb ka yahay asakar badan oo horay xukuno dil iyo xabsi ah ay maxkamada horay ugu riday, kuwaasoo qaarkood lagu fuliyay xukunka, halka kuwa kalena aan weli lagu filin.
Askariga xukunka dilka ah lagu riday ayaa waxaa isla markiiba loo kexeeyay xabsiga dhexe ee Muqdisho, halkaasoo la sheegay inuu ku jiri doono inta xukunka dilka ah looga fulinayo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya