Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha Puntland oo lagu baabi'iyay Maxkamaddii dambiyada culus ee Puntland

Isniin, July 25, 2011 (HOL) – Wareegto uu maanta oo Isniin ah soo saaray madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa lagu baabi'iyay maxkamadda dambiyada culus ee maamulkaas, iyadoo garsoorayaasheedii lagu kala daray maxkamadaha Boosaaso iyo Gaalkacyo.

Madaxweynaha Puntland ayaa wareegtada uu soo saaray ku sheegay in sababta loo baabi'iyay maxkamaddan ay tahay talo-soo-jeedinno ka timid baarlamaanka Puntland iyo guddiga sare ee garsoorka.

Wareegtada ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxweynaha Puntland uu ogolaaday baabi'inta maxkamaddan maadaama uusan dastuurku ogoleyn, ayna markii hore ahayd mid KMG ah.

Garsoorayaashii ka howgeli jiray maxkamaddan ayaa lagu kala daray maxkamadaha gobollada Bari iyo Mudug, kuwaasoo galal dacweedyadoodii ula wareegay labadaas maxkamadood ee lagu kala daray.

Maxkamadda dabiyada culus ayaa la asaasay bishii sebteembar ee 201o, taasoo la sheegay inay keentay duruufo la xiriira xagga kororka dambiyada culus ah iyo kuwa argagixiso ee gudaha Puntland.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya