Isniin, 25, July, 2011 (HOL) - Afhayeenka Culima'udiinka Ahlusunna Waljameeca Shiikh C/llaahi Shiikh C/raxmaan Abuu Yuusuf Al-qaadi oo wareysi siiyay warbaahinta ayaa hadllay khilaaf la sheegay in uu soo kala dhaxgalay Culima'udiiinka Ahlu Sunna Wajameeca iyo eedeyn loo jeediyay madaxda dowladda oo la sheegay in ay musuq maasuqeen ku kaceen.
Afhayeenku waxaa uu sheegay in uusan waxba ka jirin warka sheegaya in maalmihii ugu danbeeyay uu soo ifbaxay khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca oo mar marka qaar warbaahinta isaga tabiya warar iska horimanaya.
''Ma jiro wax khilaaf ah oo u dhaxeeya Ahlu Sunna Waljameeca, waana waxba kama jiraan wararka sheegaya in uu khilaaf ka dhaxeeyo Ahlu Sunna ayuu yiri,'' Shhiikh C/llaahi Abuu Yuusuf Al-qaadi.
Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa jiray shirar gooni gooni ah oo ay bartamaha Soomaaliya ku lahaayeen qeybaha kala duwan ee Ahlu Sunna Waljameeca kuwaasoo muujinayay khilaafka aan qarsooneyn ee u dhaxeeya maamulka Ahlu Sunna, waxaana kulamadaa ugu danbeeyay kulankii lagu soo gabagabeeyay deegaannka Xeraale ee goballka Galgaduud kaasoo looga dhawaaqay maamul guud oo la sheegay in uu ka tirsan yahay hogaan guud oo la sheegay in uu qeyb ka yahay maamulka Ahlu Sunna Waljameeca, kaasoo sadax qeybood ka dhigay hogaanka Ahlu Sunna Waljameeca ee bartamaha Soomaaliya.
Dhinaca kale Afhayeenka Ahlu Sunna Waljameeca waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay eedeyn loo jeediyay mas'uuliyiinta sare ee dowladda oo la sheegay in ay lunsadeen ama musuq maasuqeen dhaqaale loogu talagalay dowladda Soomaaliya.
''Runtii Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca aad ayeey uga xun yihiin musuq maasuqa laga sheegay in uu ka dhax jiro dowladda Soomaaliya iyo waliba eedeyntii loo jeediyay mas'uuliyiinta dowladda, waxaana leenahay arintaa waa wax fool xun islamarkaana ay aad uga xunyihiin Ahlu Sunna Waljameeca ayuu yiri,'' A;-qaadi.
Hadalka Afhayeenka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa ku soo beegmaya xili maalmihii ugu danbeeyay siweyn loo hadal hayay musuq maasuq baahsan oo ka dhax jira laamaha dowladda, iyo dhinaca kale khilaaf adag oo la sheegay in uu soo kala dhaxgalay maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee bartamaha Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya