Guddoomiyaha degmada Wadajir oo sheegay inay ka hortageen weerar ay soo qaadday Xarakada Al-shabaab

Isniin, July 25, 2011 (HOL) – Guddoomiyaha degmada Wadajir ee DKMG ah Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) ayaa sheegay inay ka hortageen weerara ay kusoo qaadeen deegaanka Jasiira ee duleedka Muqdisho xoogag taabacsan Xarrakada Al-shabaab, isagoo sheegay in lasoo weeraray dad xoolo dhaqato ah.

Axmed Daaci, ayaa intaa ku daray in weerarkaas aysan jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray dhankooda, ayna ku guuleysteen inay dib isaga caabiyaan kooxihii weerarka soo qaaday.

"Xarakada Al-shabaab ayaa soo weerartay xoolo dhaqato ku nool deegaan ku dhow Jasiira, waxaana rasaasta maqlay ciidanka deegaanka oo ka hortagay," ayuu yiri Axmed Daaci oo sheegay inaysan jirin khasaare kasoo gaartay weerarka.

Warar laga helay deegaanka ayaa sheegaya in weerarkaas uu ku dhintay qof rayid ah oo ka mid ahaa dadkii deegaanka, iyadoo xoogagii weerarka soo qaadayna ay dib ugu laabteen goobihii ay ka yimaadeen.

Xaaladda ayaa la sheegay inay daggan tahay, iyadoo deegaankaas meel ku dhow ay dhawaan dowladda KMG ah dajisay barakacayaashii abaaraha awgood uga soo cararay gobollada Koonfureed ee dalka.

Ma jiro war kasoo baxay dhinaca Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo ku saabsan weerarkan oo dhacay gabal-dhicii shalay. Deegaanka uu weerarku ka dhacay ayaa waxaa gacanta ku haysa DKMG ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya