
Isniin, July 25, 2011 (HOL) – Kulan dhaqaale loogu ururinayo dadka abaaruhu ku habsadeen ee Bariga Afrika oo lagu qiyaasay 11-milyan ayaa maanta oo Isniin ah ka dhacaya magaalada Roma ee xarunta dalka Taliyaaniga. Waxaana kulankan ka qaybgalaya 20-ka waddan ee dunida ugu qanisan.
Kulankan ayaa waxaa soo qabanqaabisay hay'adda cunnada iyo beeraha dunida ee FAO, waxaana ma'suuliyiinta hay'adda ay sheegeen in dhaqaalahan lagu kaalmeynayo beeraleyda iyo xoolaleyda dalalka Bariga Afrika oo abaaruhu ay saameynta xooggan ku yeesheen.
Saraakiisha FAO waxay sheegeen in dhaqaalaha intiisa badan lagu iibin doono qalabka beeraha iyo dawooyinka xoolaha si dadka dadka ay abaaruhu ku habsadeen ee ku nool Soomaaliya, Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya loogu dhiirigeliyo inay dib u bilaabaan qodashada beeraha iyo dhaqshada xoolaha.
Kulankan dhaqaalaha lagu ururinayo ayaa waxaa ka qaybgalaya xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay Ban Ki-Moon, iyadoo lagu wado inuu weydiisto dalalka qaniga ah inay bixiyaan 1.6-bilyan oo lacagta Mareyanka ah si loo caawiyo dadka ay abaaruhu ku dhufteen.
Barnaamijka cunnada Adduunka ee WFP ayaa sheegtay in 2.2-milyan qof oo ku nool gudaha Soomaaliya aysan gaarsiin karin gargaarka ay u baahan yihiin, waxayna taas sabab uga dhigtay in Xarrakada Al-shabaab ay ka hor-istaagtay inay goboladaas gaaraan.
Qarammada Midoobay ayaa dhawaan sheegtay in laba gobollada Shabeellada hoose iyo Bakool ay ka jirto macluul baahsan, inkastoo afhayeenka Al-shabaab uu hadalkaas ku tilmaamay mid ka bad-badis ah.
Hay'adda FAO, ayaan ka mid ahayn hay'dihii ay Xarrakada Al-shabaab ka joojisay inay ka howlgalaan gobollada ay ka shaqeyso, waxaana shirkan uu noqonayaa kii ugu horreeyay oo dunidu ay dhaqaale loogu ururinayso dadka Bariga Afrika ku nool ee ay abaaruhu saameynta ku yeesheen.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya