
Isniin, July 25, 2011 (HOL) – Guddiga gurmadka deg-degga ah ee Jaamacadda Muqdisho ayaa codsi ku aaddan sidii gacan looga geysan lahaa kaalmeynta barakacayaasha u diray shacabka Soomaaliyeed.
Bayaanka Jaamacadda ayaa u qornaa sidan:
Jaamacadda Muqdisho oo u aasaasantay u adeegidda Bulshada Soomaaliyeed xaalad kasta oo ay ku sugan yihiin, ayaa iyadoo ka damqanaysa macluusha baaxadda weyn ee ku dhacday bulshada Soomaliyeed taasoo sababtay inay kasoo hayaamaan deegaannadoodii kana baaba’eenn xoolahoodii sidoo kale caruurtoodii ay uga geeriyoodeen oon iyo baahi jidadka. Intii soo magaalada soo gaartayna waxay la il-daran yihiin cudurro iyo nafaqo-xumo daran.
Sidaa darteed Jamacadda Muqdisho waxay go’aansatay in la dhiso guddi gargaar oo ka kooban dhammaan bahda Jaamacadda Muqdisho.
Hadaba, gudigaas gar-gaarka abaaraha ee Jaamacada Muqdisho wuxuu ka codsanayaa dhammaan ummadda Soomaliyeed inay kala qayb-qaataan ololaha gargaarka dadka abaaraha ay hala-keeyeen; waxaana loogu baaqayaa inay gaarsiiyaan qof kasta oo ka qaybqaadan kara gurmadkaasi si aan u wada-badbaadinno naf, sida uu Ilaahay Qur'aankiisa ku sheegay: ومن أحياها فكأنما أحيا الناس جميعا
Fadlan kusoo dira kaalmadiina accounada kala ah 8555 Dahabshiil Bank iyo 0030032889 Salam Bank sidoo kale nagala soo xiriir taleefan numberada kala ah: +252-699-301013 / +252-699-301014 ama +252-618-453900 /+252-618-454111.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya