
Arbaco, 05 Janaayo, 2011 (HOL) − Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa ugu baaqay wasiirrada xukuumadda inay la yimaadaan howl wanaagsan, muddada yar ee u harsan xukuumadda.
"Shaqo dowladeed, waa wax isbadal ah. Aniga waxaan xafiiska joogayaa muddo sideed bilood ah, waxaa la yaabaa markaas kaddib inaan shaqo kale hayo, sidaas daradeed waxaan weydiisanayaan wasiirrada iyo shaqalaaha dowladda in mudada ay xilka hayaan ay la yimaadaan howlkarnimo," ayuu yiri Farmaajo oo ka hadlay xaflad xil wareejin ah oo ka dhacay xafiiskiisa.

Xafladdan, ayaa waxaa xilalka kula kala wareegayay agaasimihii hore ee xafiiska ra'iisul wasaaraha Suudi Siciid Suudi iyo agaasimaha cusub Abuukar Daahir Cismaan (Baalle), kuwaasoo iyaguna hadallo ka jeediyay goobta.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, wuxuu kula dardaarmay mas'uulka cusub ee xilka la wareegayay inuu la yimaado howlkarnimo, isagoo ka codsaday xubnaha kale ee dowladda inay la shaqeeyaan si uu u guto xilka culus ee loo dhiibay.
Mudane Siciid Suudi, oo ka hadlay goobta ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu xilka ku wareejiyo saaaxiibkiis cusub Abuukar Baalle, isagoo xusay inuu yahay mas'uul howlkar ah oo xilkan gudan kara, uuna la shaqeynayo.

Agaasimaha cusub ee xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, oo isaguna xafladda uu xilka kula wareegay ka hadlay, ayaa sheegay inuu kaga mahadcelinayo Farmaajo sidii uu ugu dhiirrigeliyay inuu dalka kusoo laabto una shaqeeyo dalalka iyo dadka.
Ugu dambeyn, agaasimaha cusub, wuxuu sheegay inuu ku rajoweyn yahay inuu u guto howshiisa si waafaqsan sharciga dalka u dagsan, isagoo ka codsaday xubnaha kale ee dowladda inay gacan ku siiyaan sidii uu howshiisa u gudan lahaa.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya