
Arbaco, 05 Janaayo, 2011 (HOL) − Wakiilka xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay u qabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Augustine P. Mahiga, oo shalay booqasho ku tagay Muqdisho, ayaa ka codsaday dowladda Soomaaliya inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku sugto ammaanka.
"Hay'adaha gargaarku, waxay diyaar u yihiin inay yimaadaan Soomaaliya, si ay u caawiyaan dadka Soomaaliyeed, sidaa daraadeed dowladda waxaa saaran waajib ah inay sugto ammaanka si ay hay'aduhu uga shaqeeyaan dalka," ayuu yiri Mahiga oo saxafadda la hadlay kaddib shir uu la yeeshay madaxda dowladda Soomaaliya.
Egaygu, wuxuu sheegay in Qarammada Midoobay ay diyaar u tahay inay wax ka badasho xaaladda dadka ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya, ayna gargaar ku gaarsiiyaan goobahooda, balse loo baahan yahay fursad ay ku shaqeyn karaan shaqalaha hay'adaha gargaarka bixinaya.
"Diyaar ayay hay'adaha Qarammada u yihiin inay ku shaqeeyaan Muqdisho, balse waxaan dalbanayno waa inaan helno ammaan aan ku shaqeyn karno, waana laga maarmaan in dowladdu ay xoogga saarto sidii ay dib ammaanka kusoo celin lahayd," ayuu hadalkiisa dabo-dhigay Mahiga.
Kulankii uu danjire Mahiga la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo ra'iisul wasaare Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa intiisa badan looga hadlay sidii ay dowladda KMG ah ugu dhameystiri lahayd howsha hortaalla muddada ka harsan xilligeeda KMG ah.
Waa markii ugu horreysay, oo danjire Augustine Mahiga safar ku tago Muqdisho tan iyo markii la magacaabay xukuumadda cusub ee uu horkacayo Farmaajo, isagoo sheegay inuu safarkiisan ku faraxsan yahay, uuna marar kale booqan doono Muqdisho.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya