Sheekh Xasan Yacquub Cali: 'Dadka walaalaheena ah ee ay abaaruhu galaafteen aan u gargaarno'

Arbaco, 05 Janaayo, 2011 (HOL) − Guddoomiyaha degmada Kismaayo ee Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Xasan Yacquub Cali, oo warbaahinta la hadlayay maanta oo Arbaco ah, ayaa qaybaha kala duwan ee shacabka Kismaayo iyo guud ahaanba gobballada Jubbooyinka ugu baaqay inay u istaagaan sidii ay u garab-qaban lahaayeen dadka reer guuraaga ah ee ay abaaraha ka jira deegaanada jubbooyinka ay galaafteen una fidiyaan gar gaar bini,aadanimo.

Mr Yacquub ayaa waxa uu sheegay in baaqani uu maanta jeediyay uu yimid kadib qaylo dhaan aad u xoogan oo gudiga gurmadka abaaraha gobbalada jubbooyinka ay ka keeneen qaar ka tirsan deegaanada ay dhibaatooyinka abaareed ka taaganyihiin,waxaana uu sheegay in haatan la gaaray xiligii ay umada soomlaiyeed walaala hooda u gar gaari lahaayeen.

''Gaajo iyo oon aad u daran ayaa lasoo gudbiyay,waxaana loo baahanyahay in dadka muslimiinta ah oo dhan ay ka qayb qaattaan gacan qabashada dadka ay abaaraha saameeyeen,sida aan oga qayb qadan karnana waa inaan dadkaasi aan raashin u aruurino,taasoo micnaheedu yahay in qoys kasta oo Kismaayo ku nool uu keeno shood galay ah ama Kiilo bariis ah''ayuu yiri Mr Yacquub gudoomiyaha maamulka Kismaayo oo dadka ka dal baday inay taakuleeyaan dadka ay abaaraha dhibaateeyeen.

Qaylo dhaanta Xasan Yacquub,ayaa waxa ay imaanaysaa xili dhibaatooyin iyo daruufo aad u daran ay haystaan qoysas reer guuraa ah oo ay inta badan xoolahoodii galaafatay abaarta ka jirta gobbalada jubbooyinka,mana jiraan wali cid gurmad caawinaad ah u fidisay dadkaasi marka laga reebo gudiga gurmadka abaaraha oo haatanw ado ol-ole balaaran oo ay doonayaan inay dadkaasi wax ugu qabtaan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya