Arbaco, 05 Janaayo, 2011 (HOL) − Ugu yaraan shan qof oo isugu jira shacab iyo dhinacyadii dagaalamay, ayaa ku dhintay dagaallo iyo duqeymo saakay oo Arbaco ah ku dhexmaray Muqdisho xoogagga Xarrakatul Shabaab iyo ciidammada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM.
Dagaalladan, oo ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa sababay inay dhaawacmaan toddoba qof oo rayid ah, waxaa madaafiic barbar socotay dagaalka ay ku dhaceen suuqa Bakaaraha iyo xaafado ka tirsan Hodan iyo Howlwadaag.
"Madfac saakay kusoo dhacay isgoyska Black Sea, waxaa ku dhintay intaan arkay hal qof, saddex qof oo kalena way ku dhaawacmeen," ayuu yiri Nuur Cali oo ka mid ah dadka ku nool xaafadaha ku dhow isgoyskaas.
Goobjoogayaal kale, oo ku kala sugnaa Howlwadaag iyo suuqa Bakaaraha, ayaa sheegay inay arkeen dhaawacyada afar qof iyo dhimashada laba kale, kuwaasoo ka dhashay madaafiic ay ciidammada AMISOM ku garaaceen goobahaas.
Inkastoo, dhinacyada dagaalamay aysan ka hadlin dagaalka iyo khasaaraha kasoo gaartay, ayaa haddana goobjoogayaal madax-bannaan waxay sheegayaan inay arkeen maydadka laba ka tirsan dhinacyadii dagaalamay, inkastoo tiradu ay intaas ka badan karto.
Dagaallada Muqdisho ku dhexmara dowladda oo kaashanaysa AMISOM iyo xoogagga Xarrakatul Shabaab, ayaa khasaaraha ugu badan wuxuu kasoo gaaraa dadka rayidka ah, iyadoo aan si dhab ah loo ogaan karin khasaaraha labada dhinac soo kala gaara.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya