Arbaco, 05 Janaayo, 2011 (HOL) − Dowladda Soomaaliya, ayaa safiirkeeda cusub ee dalka Jabuuti u magacowday C/raxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade), oo safiir uga ahaa muddo afar sano ah dalka Iiraan, wuxuuna maanta ku wareejiyay warqadihiisa aqoonsiga wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.
Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Jabuuti, ayaa waxaa horay u ahaa C/raxmaan Maxamed Hiraabe, waxaana wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti uu safiirka Soomaaliya ee dalka Jabuuti u aqoonsaday maanta oo Arbaco ah safiirka cusub.
Xukuumadda Soomaaliya, ayaa sheegay in safiirka cusub ee ay u magacowday dalka Jabuuti, uu ka shaqeeyay sidii uu xiririka Soomaaliya iyo Iiraan u hagaagi lahaa muddadii uu safiirka uga ahaa dalkaas.
C/raxmaan Guulwade, ayaa sheegay inuu warqadihiisa aqoonsiga ee safiirnimo uu dhawaan u gudbin doono madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, uuna markaas si ramsi ah howshiisa safiirnimo u bilaabayo.
Dowldda Jabuuti, ayaa ah dalka si weyn u taageera dowladda KMG ah ee caalamku uu aqoonsan yahay, taasoo lagu soo dhisay dalkaas, waxaana dhowr jeer ay isku dayeen madaxda Jabuuti inay xalliyaan khilaafyo soo dhexgalay ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo madaxweyne Sheekh Shariif.
Bashii lasoo dhaafay, ayuu safiirka dalka Jabuuti ee Soomaaliya Dayid Dubad Rooble, wuxuu safaarad ka furay magaalada Muqdisho, isagoo xafladda furitaanka safaaradda ka sheegay inay tahay mid ay ugu talogaleen inay shacabka Soomaaliyeed kula qaybsadaan dhibaatada ay ku jiraan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya