Arbaco, 05 Janaayo, 2011 (HOL) − Maamullada Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, ee gobollada Bay iyo Shabeellada hoose, ayaa xukunno xad ah ku fuliyay shalay gallinkii dambe haweeney lagu eedeeyay inay ku dhacday sino iyo wiil dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay dhac gaadiid.
Barxad ku taalla degmada Baydhabo, ayaa shalay gacan iyo lug looga gooyay wiil dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay inuu dhac u geysan jiray gaadiidka gala iyo kuwa ka baxa gobolka Bay, kaasoo ay soo qabteen xoogagga Xarrakatul Shabaab.
Qaaliga Maxkamadda degmada Baydhabo Sheekh Abuu-Faysal, ayaa sheegay in wiilka xadka lagu fuliyay oo lagu magacaabo Nuur Maxamed Nuur oo 19-jira ah, uu dhac iyo falal ammaan-darro ka waday gobolka Bay, uuna xukunkiisa yimid markii uu maxkamadda horteeda ka qirtay dambiga.
Dhanka kale, maamulka Xarrakatul Shabaab ee degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellad hoose, ayaa sidoo kale isla shalay gallinkii dambe ku fuliyay xukun karbaash ah gabar lagu magacaabo Canab Muuse Caloow oo la sheegay inay ku dhacday fal sino ah.
Garsooraha maxkamadda xukunkan fulisay, ayaa sheegay in gabadha si aan sharci ahayn ay galmood ula sameysay wiil horay loo karbaashay degmadana laga musaafuriyay, ayna maxkamaddu sugaysay inta ay ka dhalayso uur ay xilligaas qaadday, ayna suurogal noqotay inay maanta lagu dhufto 100-karbaash.
Wiilka iyo gabadha sineystay, ayuu qaaligu sheegay inaysan horay u soo marin wax guur ah, ayna xukunkooda u cuskadeen diinta Islaamka, waxaana karbaashku uu ka dhacay meel fagaare ah oo ay isugu soo baxeen boqolaal qof.
Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, oo ka talisa koonfurta Soomaaliya ayaa kusoo rogtay gobollada ay ka taliyaan ku dhaqanka sharceeda Islaamka, iyadoo xukunno kuwan oo kale ah iyo dil ku fulisay dad lagu soo eedeeyay dambiyo kala duwan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya