
Isniin, December 12, 2011(HOL) Nairobi , Kenya - Arday isugu jiray wiilal iyo gabdho ayaa ka qalin jabiyay machadka Alcimra qaybtiisa magaalada Nairobi.
Waxaana xaflada qalin jabinta oo ka dhacday hotelka Madina mall kasoo qaybgalay xildhibaan Cawad Axmed Casharo, xildhibaan Maxamed Aamiin,Tom Rodes oo ah madaxa hay'ada ilaalinta saxafiyiinta ee CPJ iyo marti sharaf kale oo isugu jirtay Soomaali iyo ajaanib.
Waxaana xafladan oo ahayd mid xiiso badan oo lagu soo bandhigay riwaayad qosol badan daah furay madaxa iskuulka Al-Cimra Ustaad Maxamed Cismaan (Newyork) oo soo dhaweeyay martidii, isla markaana kasoo sheekeeyay marxaladihii uu soo maray iskuulka Al-Cimra oo lagu dhigo maadooyin dhowr ah oo ay saxaafadu kamid tahay.
Waxaana uu Newyork ku boorriyay Soomaalida gaar ahaana dhalinyarada inay u istaagaan waxbarashada oo uu ku tilmaamay inay tahay mida ugu qaalisan nolosha aadanaha.
xildhibaan Cawad Axmed Casharo oo ah gudoomiyaha warfaafinta baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay saxafiyiinta qalin jabisay iyo kuwa kalaba inay wax u tabiyaan si wadaninimo leh.
Casharo oo ku dheeraaday wadaninimada iyo qiimaha ay leedahay ayaa sidoo kalana ka codsaday ciidamada Kenya ee galay koonfurta Soomaaliya inay ka fogaadaan bartilmaameedsiga dadka shacabka ah, gaar ahaana birimagaydada.

Xildhibaan Maxamed Aamiin ayaa isna ka hadlay muhiimada ay leedahay saxaafadu oo uu ku tilmaamay inay tahay awoodaha ugu wayn ee caalamka la isticmaalo.
Waxaa isna goobtaas ka hadlay Tom Rodes oo ah madaxa hay'ada ilaalinta saxafiyiinta ee CPJ oo sheegay inay garab istaagi doonaan saxafiyiinta Soomaalida iyo waliba iskuulka Al-Cimra oo uu ku tilmaamay inuu soo saaray saxafiyiin tayo leh oo ka shaqeeya hay'adaha kala duwan ee warbaahinta.
Maxamed Gaarane Aadan oo kamid hogaamiyayaasha saxafiyiinta Nairobi, ayaa isna sheegay inay wadaan qorshayaal lagu midaynayo saxafiyiinta.
Sahro Cabdi Axmed oo kamid ah gabdhaha saxafiyiinta ayaa si gaar ah ula hadashay gabdhaha Soomaalida oo ay sheegtay inay ku yaryihiin saaxada warbaahinta, waxayna ka codsatay haweenka ina laba jibaaraan dadaalkooda oo ay is muujiyaan.
Ugu dambayntiina waxaa halkaas shahaadooyin lagu gudoonsiiyay ardaydii qalin jabisay oo la siiyay shahaadooyinkooda, iyagoo wajiyadooda ay farxadi ka muuqato.












Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya