Isniin, December 12, 2011 (HOL) − Xildhibaanno iyo wasiirro taageersan afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta kulan ay kaga jawaabayeen eedeymo ay guddoomiyaha u jeediyeen xildhibanno kale iyadoo lagu taageeray kulankaas heshiiskii Kampala (Kampala Accord).
Mudanayaasha kulanka isugu yimid oo tiradoodu ay ka badnayd 250 mudane ayaa waxay ku cambaareeyeen kulankooda shirarka looga soo horjeedo guddoomiyaha oo ka dhacaya Muqdisho, iyagoo ugu baaqay xildhibaannada shirarkaas qabanaya inay joojiyeen kulammada lagu cambaareynayo guddoonka sare ee baarlamaanka.
"Waxaa baryahaan ka dhacayay Muqdisho kulammo lagu sheegayo in xilka looga qaadayo guddoomiyaha baarlamaanka waana kuwo riyo ah, waxaana sidoo kale wax lala yaabo ah hadalka xildhibaannada soo jeediyay in guddoomiyaha baarlamaanka laga xayiro safarada," ayuu yiri xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo kulanka ka hadlay.
kulankan ayaa mudanayaashii ka hadlay oo dhan waxay soo jeediyeen in meesha laga saaro khilaafka xildhibaannada lana joojiyo hadallada saxaafadda la marinayo ee looga soo horjeedo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa ka dhacayay kulammo ay xildhibaanno kasoo horjeeda afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya ku yeelanayeen Muqdisho, kuwaas sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka uu ka yaalo mooshin, sidaa daraadeedna uusan safar uga bixi karin dalka, sidoo kale uusan ka qaybgeli karin shirarka caalami ah inta uu iska masaxayo eedaha loo haysto.
Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka hadashay kulankii lagu taageerayay afhayeenka baarlamaanka ee ka dhacay Muqdisho ayaa ka digtay in lagu qabto Muqdisho kulammo ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka, iyadoo xustay in la furayo kulammada baarlamaanka xidhibaankii cabasho qabanaya uu halkaas ka sheego cabashadiisa.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya