Xiisad u dhexeysa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Ururka Ahlusunna oo ka taaganCaabud-waaq

Isniin, December 12, 2011 (HOL) − Degmada Caabduwaaq ee gobolka Galguduud ayaa waxaa ka taagan xiisad u dhexeysa, xildhibaan C/casiis Sacdi Jaamac oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo maamulka ururka Ahlusunna Waljamaaca oo deegaankaas ka taliya.

Xiisaddan ayaa waxay dhalatay kaddib markii maamulka Ahlusunna Waljamaaca uu amar ku siiyay xidhibaanka ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya inuu degmadaas oo uu dhawaan gaaray uu isaga baxo, taasoo uu xildhibaanku ka madax adaygay.

"Waxaa degmada Caabduwaaq ka taagan xiisad ka dhalatay xildhibaan dhawaan soo gaaray degmada oo amar ay ku siiyeen Ahlusunna inuu isaga baxo, waxaana socda dadaallo lagu doonayo in lagu xalliyo xiisaddaas," ayuu yiri Cabdisalaan Barre Maxamuud oo ah afhayeenka golaha odayaasha degmadaas.

Afhayeenku wuxuu sheegay in ciidammo taabacsan xidlhibaanka iyo kuwo ka yimid degmada Dhuusomareeb oo isku horfadhiyay degmada ay ku guuleysteen inay kala qaadaan, isagoo sheegay inay socdaan qorshayaal lagu doonayo in labada ciidan looga saaro degmada, khilaafka jirana lagu xalliyo wadahadal.

"Xildhibaanka waxaa lagu amray inuu isaga baxo degmada oo uu u dhashay, lamana oga sababta keentay," ayuu C/salaan Barre hadalkiisa ku daray, isagoo sheegay in xaaladdu ay maanta ka wanaagsan tahay sidii ay shalay ahayd.

Degmada Caabduwaaq ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka gobolka Galguduud ee ay ka taliso Ahlusunna Waljamaaca, iyadoo xildhibaankan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo Ahlusunna ay ku amarto inuu degmadaas isaga baxo.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas'uuliyiinta Ahlusunna taasoo ku saabsan xiisadda ka taagan degmada Caabudwaaq ee kala dhexeysa xildhibaan C/casiis Sacdi ee degmadaas ka taagan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News