
Isniin, December 12, 2011 (HOL) − Ururka bisha cas ee dalka Turkiga ayaa maanta oo Isniin ah sheegtay inay ka hirgelisay Muqdisho dhismaha 1,700 guri oo ka sameysan teendho, kuwaasoo haatan hoy u ah 10,000 oo qof oo barakayaashii abaaraha ka mid ah.
Madaxa haya'dda bisha cas ee Turkiga, Safak Lostar ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay tirada teendhooyinka ku gaarsiinayaan illaa 2,000, isagoo xusay in guryahaas leeyihiin musqulo iyo biyo.
"Waxaa qorshaheennu yahay inaan tirada teendhooyinka intaas ka badinno oo aan gaarsiinno 2,000 maalmaha soo socda," ayuu yiri Lostar oo la hadlayay qaar ka mid ah warbaahinta dalka Turkiga.
Sidoo kale, Lostar wuxu sheegay in hay'adda bisha cas ee Turkiga ay inay cunno u qaybiso dadka Soomaaliyeed ee abaaraha kusoo barakacay. Wuxuu intaas ku daray in dadka ay guryaha u dhiseen ee 10,000 ee qof ah ay siiyaan maalin walba raashin bisil.
Dowladda Turkiga ayaa waxay ka mid tahay dowladaha u soo gurmaday Soomaaliya oo ay ku dhufatay abaartii ugu xumayd muddo laga joogo 60-sano, iyadoo Turkigu uu dhawaan ka hirgeliyay Muqdisho mashaariic kale oo lagu horumarinayo garoonka diyaaradaha, waxbarashada iyo xannaaneynta caruurta waalidkood ku waayay colaadaha ka taagan Soomaaliya.
Ma ahan markii ugu horreysay oo ay hay'adaha dalka Turkigu soo bandhigaan mashaariicda ay ka hirgeliyeen Soomaaliya, iyagoo horay u soo bandhigay iskuul ay ka fureen Muqdisho, xarumo agoon oo ay ka dhiseen iyo isbitaallo ay ka hirgeliyeen Muqdisho.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya