Olole nadaafadeed oo ay iska kaashadeen deg. Wardhiigley iyo ururka UYS oo ka dhacay xarunta Tiyaatarka (SAWIRRO)


Isniin, December 12, 2011 (HOL) − Olole ballaaran oo ay iska kaashadeen maamulka iyo dadweynaha ku dhaqan degmada Wardhiigley iyo ururka Midowga dhallinyarada Soomaaliyeed ee UYS ayaa maanta ka dhacay barxadda weyn iyo Tiyaatarka Muqdisho.

Ololahaan oo ay iska kaashadeen dadweynaha iyo ururka UYS ayaa ujeedkiisu wuxuu ahaa sidii dib loogu nadiifin lahaa xarunta Tiyaatarka iyo agagaarkeeda si mar kale ay u soo muuqato bilicdii uu lahaa Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed, waxaana ololahani uu ahaa mid si weyn loo soo abaabulay isla markaana ay horseed ka ahayd guddoomiyaha degmada Wardhiigley, Deeqa C/qaadir Axmed.

Muddadii uu socday ololaha ayaa waxaa halkaasi soo gaaray taliyaha guutada koowaad ee madaxtooyada Col. Cabdullaahi Cali Caanood, guddoomiyaha ururka dib u soo celinta bilicda magaalada Muqdisho, Jawaahir Baarqab iyo abwaan Cabdi -dhuux Yuusuf oo ka mid ah mas'uuliyiinta hobollada Waaberi.

Guddoomiyaha degmada Wardhiigley oo hadal jeedisay ayaa sheegtay in ololahan uu yahay mid ay iska-kaashadeen dadweynaha ku dhaqan degmada iyo ururka UYS, waxayna sheegtay in ujeeddadu tahay sidii degmada Wardhiigley goobaha muhiimka ah ee ku yaalla dib bilicdooda loogu soo celin lahaa, waxayna ammaantay u jeedisay xubnihii ka qayb-galayay ololahaasi nadaafadeed ee maanta sida habsamida leh uga socday xarunta tiyaatarka iyo hareeraheeda.

Col. Cabdullaahi Caanood oo ka hadlay ololahaasi nadaafadeed ayaa sheegay in xoogga dalka Soomaaliyeed ay si weyn u soo dhoweynayaan isla markaasna ay mar walba horseed ka ahaayeen wax kasta ee lagu horumarinaayo Qaranka, wuxuuna xusay in difaaca Qaranka ka sokow xoogga dalka Soomaaliyeed ay horseed ka yihiin howl kasta ee bulshada Soomaaliyeed ay gacanta ku heyso, haday noqon lahayd xag difaac, xag nadaafad iyo xag horumarineed.

Abwaan Cabdi-dhuux Yuusuf oo isna ka hadlay halkaas ayaa si weyn u soo dhaweeyay ololahaan lagu nadiifinayo tiyaatarkii Qaranka, wuxuuna xusay in mar walba loo baahan yahay in shacbiga Soomaaliyeed ay iska kaashadaan sidii Qarankooda ay dib ugu dhisan lahaayeen goobihii ka burburayna ay dib ugu dhisan lahaayeen, hobalada Qarankana ay ku faraxsan yihiin in mar kale ay ku kulmaan Tiyaatarkii Qaranka si ay howlahoodii wacyi gelinta ahayd ee lagu yaqiin ay dib ugu soo noolaadaan.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News