Maxkamadda Sare ee dalka oo Xukunno ku ridday Mas'uuliyiin ka tirsan DKMG ah oo lagu eedeeyay xatooyo

Isniin, December 12, 2011 (HOL) − Maxkamadda sare ee dalka ayaa xukuno ku riday labo mas’uul oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kaddib markii lagu helay dambiyo la xiriira falal burcadnimo ah, waxaana labada mas'uul ay ka tirsanaayeen shaqaalaha dekedda Muqdisho.

Mas'uuliyiinta la xukumay ayaa waxay kala ahaayeen taliyaha waaxda canshuuraha ee dekedda Muqdisho, C/risaaq Cabdullaahi Guhaad iyo kormeeraha dekedda, Aadan Maxamed Xasan iyadoo maxkamaddu ay ku xukuntay min sannad iyo bar xabsi ah.

Xukunkan ayaa noqonaya kii ugu horreysay oo ay riddo maxkamadda sare ee dalka tan iyo markii la sameeyay, waxaana mas'uuliyiinta la xukumay lagu soo eedeeyay inay u fududeeyeen kooxo burcad ah xadidda soolarro yaallay dekedda Muqdisho.

"Ragga la xukumay waxay kooxo burcad ah u fududeeyeen xatooyada soolarro yaalay gudaha dekedda Muqdisho kuwaasoo ay lahayd hay’adda WFP, digniin ayaan u dirnay mas'uuliyiintaas xilalka haya ee fududeeya xatooyada qalabkan, waxaana ku wargelinnay inay la kulmi doonaan ciqaab adag," ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf oo saxaafadda uga warbixiyay xukunka.

Lama sheegin in qalabkii la xaday in lasoo celiyay iyo in kale, sidoo kale hay'adda WFP oo la sheegay inay qalabka lahayd ayaan ka hadlin xatooyada soollarada u yaallay dekedda Muqdisho.

Waa markii ugu horreysay oo mas'uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah oo lagu soo eedeeyay inay xatooyo fududeeyeen la xukumo, iyadoo xukunka lagu soo beegay xilli uu ra'iisul wasaaraha Soomaaliya sheegay inay la dagaalamayaan wax walba oo keeni kara musuqmaasuq, lalana xisaabtami doono hay'adaha iyo wasaaradaha dowladda KMG ah.

Maxkamadda ciidamada ayaa horay u ridday xukunno kala duwan, kuwaasoo ay ku ridday askar dowladda ka tirsan iyo dad shacab ah oo lagu soo eedeeyay falal kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwo wax u dhimaya ammaanka Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News