5/9/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 1 , 2010
Guddoomiyihii Gobolka Awdal oo ka hadlay sababta is-casilaaddiisa
Axad, 01 August, 2010 (HOL)- Guddoomiyihii Gobolka Awdal Maxamuud Sheekh Cabdilaahi Cige, ayaa sheegay inuu shalay iska casilay xilkii uu dawladda ka hayey, isla markaana waxa uu xil-ka-tagistiisa ku sababeeyey mid timi ka dib markii Taliye ku-xigeenka Booliska Somaliland iyo Ciidamo uu wataa Boorama saacadihii dambe ee habeen hore gaadheen, kuwaasoo uu ku dooday inaanu waxba kala socon. Guddoomiyaha Gobolka Awdal oo shir jaraa'id shalay ku qabtay Boorama, waxa uu ku shaaciyey inuu si rasmiya isaga casilay xilkii uu hayey. "Maalmahanba waxaan sugayey inay timaado ciddii I badali lahayd, balse waa lala soo raagay. Labadii maalmood ee u dambeeyay mudaharaaddo ayaa Boorama ka dhacayay ay dumar iyo carruuri wadaan, waxaana magaalada xalay yimi aniga oo aan ogayn ciidan uu hogaaminayo Taliye ku-xigeenka Booliska Somaliland, waxaanu ii sheegay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Awdal in la yidhi ka amar qaado oo kaliya Taliyahan yimi, arrintaasina waa mid baal marsan dawladnimada. Sidaas aawadeed ayey ku timi is casilaadaydani oo arrintaas ayay la xidhiidhaa,” ayuu yidhi Badhasaabkii Gobolka Awdal Maxamuud Sheekh Cabdillaahi Cige oo a is casilay. Badhasaabka is casilay ee Gobolka Awdal, waxa uu u soo jeediyey Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inuu si dhakhso ah u soo magacaabo qofkii isaga xilka kala wareegi lahaa, waxaana ka mid ahaa hadalladiisii oo uu yidhi; "Waxaan leeyahay mar haddii Wasiirkii daakhiligu jiro waa in uu soo magacaabaa ciddii I baddali lahayd, anigu diyaaar baan u ahay xilkana waan ku wareejinayaa, waanan la shaqaynayaa Badhasaabka Gobolka loo soo magacaabo." Guddoomiyihii Gobolka Awdal ee is casilay Maxamuud Sheekh, waxa uu ka hadlay xaalladda Magaalada Boorama oo illaa Jimcihii qasnayd, isla markaana muddaharaaddo Xukuumadda Siilaanyo lagaga soo horjeedo iyo kuwo lagu taageerayaa ka socdeen. waxaanu isaga oo arrintaasi ka hadla uu yidhi; “Maanta looma baahna in ummadda la kiciyo oo la abuuro nabadgalya-darro, Somaliland Boorama ayaa lagu dhisay, tan maanta la dhisayna waa Xukuumaddeennnii cidna innagama xigto ee waa in loo tagaa madaxwaynaha cusub loo geeyaa waxii cabasho ah ee la qabo iyada oo aan dhibaato la samaynin." Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online [email protected] Hargeisa, Somaliland.