Hakad ku yimid wadahadallo u dhexeeyay Xarrakatul-Shabaab iyo Xisbul Islaam

Axad, August 01, 2010 (HOL) - Waxaa hakaday wadahadallo hoose oo Muqdisho uga socday Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Ururka Xisbul Islaam, sida uu xaqiijiyay mas'uul ka tirsan Xisbul Islaam oo diiday in magaciisa lasoo xigto.

"Hakad ayaa ku yimid wadahadallo ay awooddooda ku mideyn lahaayeen Xisbul Islaam iyo Xarrakatul Shabaab oo Muqdisho ka socday," ayuu yiri sarkaalka diiday in saxaafaddu ay xigato magaciisa.

Kulankan ayaa waxaa labada dhinac uga qaybgalay min shan xubnood oo ay kala hoggaaminayeen guddoomiyaha Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo hoggaamiyaha labaad ee A-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abu-Mansuur).

Qodobbada ay labada dhinac isku afgaran waayeen ayaa waxaa ka mid ah in lagu midoobo magaca Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin, taasoo la sheegay inay diideen xubnihii ka socday dhinaca Xisbul Islaam oo iyaguna soo jeediyay in awoodda si simian loo qaybsado, lana wadaago magacyada.

Xarrakatul Shabaab oo ah quwadda ugu weyn kooxaha kasoo horjeeda DFKMG ayaan weli ka hadlin hakadka ku yimid wadahadallada ay kula jireen Xisbul Islaam.

Hakashada kulankan ayaa imaanaysa iyadoo dhawaan Sheekh Xasan Daahir uu ka sheegay saxaafadda Muqdisho in la mideynayo dhinacyada islaamiyiinta ah si loo xoojiyo dagaalka ay kula jiraan DFKMG iyo AMISOM.

Ma ahan markii ugu horreysay oo hakad uu ku yimaado kulan ay labadan dhinac yeesheen si ay fikirkooda iyo awooddooda u mideeyaan, waxaana labadan kooxood ay horay ugu dagaalameen Jubbooyinka oo ay ku loolamayeen gacan ku hayntooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya