Axad, August 01, 2010 (HOL) - Fiidnimadii xalay ayaa qarax bam lagu weeraray ciidamo Booliis ah oo ku sugnaa meel ku dhow saldhigga Booliiska degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho, waxaana ku dhaawacmay shan qof oo ay ku jiraan saddex asari.
"Qarax ayaa xalay fiidkii ka dhacay meel ku dow saldhigga Dharkeynley, waxaan arkay dhaawaca saddex askari iyo qof shacab ah" ayuu yiri goobjooge ku sugnaa agagaarka saldhigga oo magaciisa kusoo koobay Cumar.
Goobjooguhu wuxuu kaloo sheegay in ciidamadu ay fureen rasaas, taasoo geysatay dhaawaca haweeney goob ganacsi ku lahayd suuq ku dhow saldhigga oo lagu magacaabo Suuq-liif.
Kooxaha weerarka bambaano geystay ayaa baxsaday, waxaana saakay caadi kusoo laabtay ganacsiga oo hakaday xalay iyo isku socodka gaadiidka, mana jiraan wax baaritaanno ah oo ay ciidammadu sameeyeen iyo cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa.
Degmada Dharkeynley ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka ay gacanta ku hayso DFKMG, halkaasoo horay looga qabsaday xoogagga Islaamiyiinta ah oo qayb ka mid ah maamuli jiray, waxaana mararka qaar ka dhaca dagaallo u dhexeeya Xarrakatul Shabaab iyo dowladda Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Askar ka tirsan ciidanka booliiska dowladda Soomaaliya oo lagu weeraray bambaano
More News
- Wasiiradii cusbaa ee Somaliland oo badankoodu la wareegay xilalkii
- Dowladda Sucuudiga oo looga digay tarxiilka Soomaalida dalkeeda ku nool
- Guddoomiyihii Gobolka Awdal oo ka hadlay sababta is-casilaaddiisa
- Hakad ku yimid wadahadallo u dhexeeyay Xarrakatul-Shabaab iyo Xisbul Islaam
- Fadhi ay maanta xukuumaddu ku hor-tagi lahayd baalamaanka oo baaqday