Wasiiradii cusbaa ee Somaliland oo badankoodu la wareegay xilalkii
Axad, 01 August, 2010 (HOL)- Qaar ka mid ah Wasiirada cusub ee la magacaabay, ayaa si rasmi ah ula wareegay xilalka loo magacaabay.
Munaasibado la xidhiidha xilwareejimahaas kala duwan oo ay masuuliyiinta xilka la kala wareegay ka qaybgaleen, waxa lagu qabtay xarumaha Wasaaraddahaas oo ilaa todoba ka kooban.
Xilwareejinta arrimaha gudaha:
Ugu horayn, Wasiirkii hore ee Daakhiliga Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro) oo hadal ka jeediyay xafladdaa xilwareejinta, waxa uu ka waramay waaxyada wasaaraddu ka kooban tahay. “Waxaan qalbi furan kusoo dhawaynayaa wasiirka cusub Dr. Maxamed Cabdi Gaboose,” ayuu yidhi Mr. Cirro. ”Wasiir, wasaaraddu waaxyo badan ayey leedahay agaasimaha guud baa ugu horeeya, wasiir ku-xigeen iyo wasiiro-dawle ayaa jira, waxa jira waaxyo aan hore u jiri jirin oo aanu imika abuurnay oo ay ka mid tahay waaxda xidhiidhka Mujaahidiinta, waaxda ka hortaga argagixisada, waaxda qorshaynta, waaxda maamulka, waaxda kormeerka iyo waaxo kale oo badan. Waxa aan la ilaawi karin muddadii aanu xilkaa haynay oo aan uga mahad celinayaa maayarada dalka oo si hufan oo hagar la’aan ah wax u qabtay hadday tahay mashaariic iyo hawlo kaleba, aad baanan ugu mahadcelinayaa..wasaaradduna waxay nasiib ku leedahay, qarankuna nasiib uu ugu leeyahay, waayo qof cusub oo inta uu tababaranayo ay muddo ku qaadan lahayd way ka nasiib wanaagsan tahay wasaaradu wasaaradaha kale ee maanta wasiir cusub loo magacaabay,” ayuu yidhi Wasiirkii hore. Wuxuuna intaa raaciyay, ”Waxaanan ballan ku qaadayaa inaanan waxba ka hagran aqoontayada iyo kartidayaba, hawshu halka ay imika taagan tahay, waxaanu rejaynaynaynaa inuu halkaa kasii amba qaado. Waxa laga yaabaa saxaafadu inay yidhaahdaan Dr. Gaboose iyo Cabdilaahi Cirro col bay ahaan jireen, col maanaan ahaan jirine siyaasada ayuun baanu isku yara haynee ee laba nin oo saaxiib ah ayaanu ahayn, Xalane ayaanu kasoo wada baxnay, aqoon horena waanu isku lahayn, markaa inta yar ee siyaasada ah ee is xanguruufanayo ha u qaadanina colaad.”
Wasiirka cusub ee Daakhiliga Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo isna hadal ka jeediyay munaasibada uu xilka kula wareegay, waxa uu ka waramay doorka ay wasaaraddu ka qaadatay xasiloonida muddada dheer dalku ku jiray. “Waxa hubaal ah laba tiir oo ay Somaliland ku caan baxday muddadii ay soo jirtay ee ay xorta ahayd, inay wasaaraddani lafdhabar ka ahayd labadaa tiir oo kala ah; inay Somaliland ku guulaysatay oo Illaahay la garabgalay inay noqoto goob nabadeed iyadoo hareeraheeda dab, holac, khilaaf iyo mushkilado ka taagan yihiin. Nabadaa waad arki kartaan in lafdhabarkedu uu ahaa shacbiga iyo wasaaradan..Markaa wasiirkii iga horeeyey Cabdilaahi oo aan ahayn nin isla soo koray dimoqraadiyada ayaa leh waqtiga tartanku jiro xurgufo yaryar, laakiin markuu tartanku dhamaado umadda waxa u qoran inay mid tahay,” ayuu yidhi Dr. Gaboose.
Xilwareejinta Kalluumaysiga:
Munaasibada xilwareejinta oo lagu qabtay xarunta wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda, waxa ugu horayn hadal ka jeediyay wasiirkii hore Cali Qoorseef, waxaanu ka waramay marxaladihii wasaaraddu soo martay, wixii u qabsoomay iyo waxyaabaha qabyada ah.
Waxa uu sheegay inay muhiim tahay in fiiro gaar ah loo yeesho Bad-bood uu xusay inuu hadda socdo."Waxa muhiim ah in loo fiiro yeesho in xuduudii Badda Somaliland lagu soo durkay oo wixii macluumaad ah ama codsiya waxa lagala soconayaa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Baddaha,” ayuu yidhi Mr. Qoorseef. Waxa uu faahfaahin ka bixiyay dakhiliga 2004-2008 ka soo xerooday 6000 kun oo tan oo Kalluun ah, wuxuuna tilmaamay in 2009 ilaa 2010 aanu wax dakhli ahi ka soo xeroonin dhoofinta Kalluunka, ka dib markii sida uu sheegay ay Maraakiibta Kalluumaysan jiray ka baqdeen Budhcad-badeedda ka ugaadhsata xeebaha Soomaaliya.
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Kalluumaysiga, khayraadka Badda iyo maamulka Dekeddaha Dr. Maxamed Yaasiin Xasan oo hadal ka jeediyay munaasibadaas, waxa uu xusay inuu ku faraxsan yahay xilka loo magacaabay. “Aniga asalkayga waxa aan ka soo jeedaa magaalada Berbera, aad bay sharaf iigu tahay oo aan uga mahadnaqayaa madaxweynaha inuu ii magacaabo Wasaarad khusaysa magaaladaydii, Ilaahay waan ugu mahadnaqayaa,” ayuu yidhi wasiirku. Waxa uu faahfaahin ka bixiyay heerarkii aqooneed iyo waayo-aragnimadiisa oo u badan dhinaca diblomaasiyadda.
Xilwareejinta Hawlaha Guud:
Wasiirka cusub ee Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Somaliland Xuseen Axmed Caydiid iyo Wasiir Ku Xigeenkiisa Cali Cabdi Saa’iq, ayaa shalay xilkii Wasaaradaasi kala wareegay Wasiirkii hore Siciid Sulub Maxamed oo muddo toddoba sanadood ah hayay xilka Wasiirnimo ee Wasaaradaas.
Wasiirkii hore ee Hawlaha guud Mr. Siciid Sulub oo hadal ka jeediyay munaasibadaas, waxa uu ka waramay waxyaabihii u qabsoomay, wuxuuna soo bandhigay waddooyin dayactir ay ku sameeyeen, buundooyin, kuwo cusub oo la sameeyey, jidad la banneeyey iyo kuwo carratuul ah oo laga hirgeliyey deegaanno badan oo dalka ka mid ah. “Waxa la yidhaahdaa Doob tuhun baa dilay, axsaabta Mucaaridka ahi ama qofka tallada dibada ka joogana waxa laga yaabaa inuu wax dareemayo marka uu arko rag xafiisyo fadhiya, laakiin haddii aad xukuumadda cusub tihiin maanta ayay idinkana idiin bilaabantay,” ayuu yidhi Siciid Sulub.
Wasiirkii hore wuxuu sharaxaad dheer ka bixiyay hawlaha Wasaaraddaasi qabato iyo halka uu marayo hawsha dhismaha Biriijka labaad ee Caasimadda Hargeysa, waxaanu tilmaamay in biriijkaasi ay u hadhsan tahay wax ka yar 25%-kiiba, isla markaana lacagtii lagu dhisayay gacanta lagu hayo. Waxa kale oo uu sheegay in Biriijka weyn ee Hargeysa ay muddo laba jeer ah dayactir balaadhan ku sameeyeen oo uu aad u wanaagsan yahay.
Sidoo kale, Wasiirka cusub ee Wasaaradda Hawlaha guud iyo guriyaynta Mr. Xuseen Axmed Caydiid, ayaa isaguna halkaasi ka hadlay. “Waxqabadkaasi aad nooga waranteen dalkiina ayaad u shaqayseen ee Ilaahay ha idinka abaal mariyo, anaguna waxaanu ilaahay ka baryaynaa inaanu wax ku darno mooyaane’e inaanay halkan ay maanta joogto ka soo siibanin, waxqabadkuna wasaarad walba wuxuu ku xidhnaanayaa sida dhaqaalaha iyo dakhliga inta soo galaa leeg yahay. Waxaanu idiin balan qaadaynaa waxqabadka aad na tusteen inaanaan khasaarin. Wasaaradu waa meel iska hawl badan oo iska buuq badan meelo badan oo ummaddu ay hunguraynayso ayaa jira, imikadaasi ayaad arkaysaa Telefoonada nagu soo dhacaya. Waxaan Ilaahay ka barayayaa inuu nagu asturo xilkan, adigana (Wasiirkii hore) halkii Ilaahay uu idin geeyaba ha idinku gargaaro,” ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid.
Wasiirka Hawlaha guud iyo gaadiidku Mr. Caydiid, wuxuu sheegay inuu jecel yahay inay aad u wada naaqishaan Wasiirkii hore hantida ma guurtada ah ee ay kala wareegayaan. Waxaanu tilmaamay in muddada ay xafiiskan hayaan hufnaan ku maamuli doonaan, isla markaana waxa uu shaqaalaha ka codsaday iyo masuuliyiinta aan shaqada ka tagin ee Wasaaraddaasi ula shaqeeyaan sidii ay Wasiirradii hore ula shaqayn jireen.
Xilwareejinta Gaashaandhiga:
Ugu horayn, Wasiirkii hore ee Difaaca Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed oo hadal ka jeediyay munaasibadaas, waxa uu ka waramay hawlaha Wasaaradda iyo tayada ciidamada qaranka. “Wasiir, waxaan aad iyo aad ugu faraxsan nahay inaan kugu wareejiyo xilka Wasaarada Gaashaan-dhiga oo ah hawlbowlaha qaranka, waxay ka kooban tahay sadex waaxood oo waaweyn oo kala ah Agaasinka guud, Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka iyo Waaxda Garsoorka oo ah Maxkamada sare ee Ciidamada qalabka sida. Waxaan ka cudurdaaranayaa in xarunta wasaarada Gaashaan-dhigu aanay dayactir lahayn nasiib wanaagse imika ayaa la dayactirayaa oo waxaad dhawaan ku shaqayn doontaa Xarun Wasaaradeed oo dayactiran,”ayuu yidhi Saleebaan Warsame Guulleed.
Wasiirkii hore wuxuu ka dayriyay gaadiidka iyo qalabka Garsoorka Ciidamada qalabka-sida, waxaanu tilmaamay inay baahiyo badani ay xafiiska u yaalaan. “Wasaarada Gaashaan-dhiga waxa laga dugsanayaa waa difaacii wadanka, dad badan oo cadow ah ayaa Somaliland moodi jiray diin aan qolof ama dahaad adag lahayn. Laakiin, waxaynu leenahay qolaf adag oo ah ciidanka qaranka oo runtii mudadii ay dhisnaayeen waxaanay salka u dhigeen aasaaskii ciidanka. Waxay fuliyeen oo ay qeyb ka qaateen sugitaankii nabadgelyada gudaha. Waxa kale oo ay door libaax ka qaateen difaaca iyo maamul-fidinta. Ciidankeena qaranku waxay qaateen tababaro heerkoodu kala duwan yihiin. Ciidanka qaranku waxay ka qeybqaataan daminta shaqaaqooyinka gudaha, waxaanay ilaa imika gacanta ku hayaan shaqaaqadii Ceel-bardaale,” ayuu yidhi. “Wasiir, waxa dhegahayga ku soo duulayay Ciidan ciidan beeleed oo ku sugan cidhifka bari ee Somaliland oo dadka deegaanku soo codsadeen inaan laga qaadin waa khalad in magaca Ciidanka qaranka loo nisbeeyo,” ayuu raaciyay. Wuxuuna shaqaalaha wasaaradda ka dalbaday inay si hufan ula shaqeeyaan wasiirka cusub.
Sidoo kale, Wasiirka cusub ee Difaaca Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo isna hadal kooban ka jeediyay halkaas, waxa uu u mahadceliyay masuuliyiinta xilka ku wareejisay.
Waxa kale oo iyana xilalkii shalay la kala wareegay wasiirka cusub iyo wasiirkii hore ee wasaaradda Duulista Hawada.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland.
More News
- Dowladda Sucuudiga oo looga digay tarxiilka Soomaalida dalkeeda ku nool
- Guddoomiyihii Gobolka Awdal oo ka hadlay sababta is-casilaaddiisa
- Hakad ku yimid wadahadallo u dhexeeyay Xarrakatul-Shabaab iyo Xisbul Islaam
- Fadhi ay maanta xukuumaddu ku hor-tagi lahayd baalamaanka oo baaqday
- Askar ka tirsan ciidanka booliiska dowladda Soomaaliya oo lagu weeraray bambaano