Axad, August 01, 2010 (HOL) - Waxaa maanta dib u dhac uu ku yimid kulan uu yeelan lahaa baarlamaanka Soomaaliya kaasoo la filyayay inay xukuumaddu codka kalsoonida ku weydiisato xildhibaannada baarlamaanka, kaddib markii ay ka cudur-daarteen mudanayaal badan kasoo qaybgalka kulankii maanta oo Axad ah dhici lahaa.
Nidaamiye ku xigeenka baarlamaanka xildhibaan Caadil Sheegow Sagaar oo la hadlay warbaahinta saaka oo Isniin ah ayaa sheegay in kulankii dhici lahaa Axadda maanta ah dib loo dhigay uuna qabsoomi doono Isniinta berri ah, isagoo intaas ku daray in xukuumaddu ay aqbashay inay baarlamaanka hortimaaddo.
"Mudanayaal badan ayaa xalay ku wargeliyay guddoonka baarlamaanka inaysan kasoo qaybgeli karin kulanka Axadda maanta dhici lahaa, waxaana guddigu uu go'aansaday in kulankaas loo badallo berrioo Isniin ah," ayuu yiri Xildhibaan Caadil.
Xildhibaano gaaraya 75 ayaa dhawaan mooshin ka gudbiyay xukuumadda, inkastoo xukuumaddu aysan weli ka hadlin mooshinka, haddana waxaa jira warar hoose oo sheegaya in Ra'iisul waasare Sharma'arke uu aqbalay inuu hortago baarlamaanka.
Dhanka kale, wasiir ka tirsan xukuumadda Sharma'arke ayaa sheegay in qaabka lagu soo gudbiyay mooshinka uu yahay mid aan sharciga waafaqsanayn, isagoo sheegay in qaabkan uu yahay mid gaboobay, loona baahaa in la xisaabtanka xukuumadda loo soo marko guddi hoosaadyada baarlaamaanka.
Xukuumadda Soomaailya ayaa dhowr jeer oo hore loogu baaqay inay hortimaaddo baarlamaanka si ay codka kalsoonida u weydiisato, waxaana dhawaan isbadal lagu sameeyay golaha wasiirada oo lagu soo daray xubno aan hora uga tirsanaan jirin.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Fadhi ay maanta xukuumaddu ku hor-tagi lahayd baalamaanka oo baaqday
More News
- Wasiiradii cusbaa ee Somaliland oo badankoodu la wareegay xilalkii
- Dowladda Sucuudiga oo looga digay tarxiilka Soomaalida dalkeeda ku nool
- Guddoomiyihii Gobolka Awdal oo ka hadlay sababta is-casilaaddiisa
- Hakad ku yimid wadahadallo u dhexeeyay Xarrakatul-Shabaab iyo Xisbul Islaam
- Askar ka tirsan ciidanka booliiska dowladda Soomaaliya oo lagu weeraray bambaano