Dowladda Sucuudiga oo looga digay tarxiilka Soomaalida dalkeeda ku nool

Axad, August 01, 2010 (HOL) - Qarammada Midoobay ayaa ugu baaqday dowadda Sucuudiga inay joojiso tarxiilka Soomaalida dalkeeda ku nool iyo inay dib ugu celiso dalka Soomaaliya gaar ahaa magaalada Muqdisho oo ay ku sheegtay inay tahay meel khatar ah.

"Dadka lagu celinayo Muqdisho waxay la kulmi karaan khatar," ayaa lagu yiri warbixin kasoo baxday hay'adda UNCHR oo u qaabisal UN-ka qoxootiga, iyadoo xustay inay maalin walba ka dhacaan dagaallo iyo duqeymo u dhexeeya DFKMG iyo AMISOM oo dhinac ah iyo xoogagga hubeysn ee ka horjeeda.

UNHCR ayaa ka codsatay dalalka calaamka inaysan dadka Soomaalida ah ee ku nool dalalkooda dib ugu celin koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya goobahaas oo ay ku sheegeen inay khatari ka jirto.

Gobolladaas ayay hay'adda qoxootigu sheegtay inay yihiin kuwo ay gacanta ku hayso Xarraaktul Shabaabul Mujaahidiin, halka ay dowladdu maamusho goob yar oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

"Hay'adda UNCHR waxay uga digaysaa Sucuudiga inay dib ugu celiso Muqdisho dadka Soomaalida ah ee ay tarxiisho, iyadoo fiirinaysa dagaallada joogtada noqday ee ka jira halkaas iyo xuquuqda aadanaha," ayay tiri Melissa Fleming oo ah afhayeenad u hadashay hay'addan.

Soomaali badan oo ka baxsaday dagaallada ka socda dalkooda ayaa ka talaabay badda cas si ay u galaan dalka Sucuudiga oo ay ku tuhmayaan inay ka jirto nolol ka wanaagsan midda dalkooda iyo shaqooyin.

Tarxiilka ayaa intiisa badan laga dajiyaa Magaalada Muqdisho, waxaana hay'addu ay sheegtay in dadka ay dowladda Sucuudigu ku celisay Soomaaliya labadii bilood ee ugu dambeeyay ay u badan yihiin haween iyo caruur.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya