Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo ka cabanaya rasaas khasaare geysatay oo mararka qaarkood ku dhacda gudaha Suuqa

Sabti, June 05, 2010 (HOL) − Ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa ka cabanaya rasaas wiifto ah oo labadii maalmood ee ugu dambeeyay ku dhacaysay gudaha suuqaas, kuwaasoo geystay dhimasho iyo dhaawac soo gaarta dad rayid ah.

Rasaas wiifto ah ayaa maanta ku dishay Isgoyska Bakaaraha hal qof iyadoo qof kalena uu dhaawac soo gaaray, iyadoo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay dhowr qof ku dhaawacmeen rasaas ku dhacday gudaha suuqa.

"Waxaa maalmahaan kusoo badanaya suuqa Bakaaraha rasaas wiifto ah, waxay dhimasho iyo dhaawac u geysteen dad rayid ah oo suuqa ku sugnaa" ayuu yiri ganacsade goob ganacsi ku leh wadada 1-aad ee Suuqa Bakaaraha.

Ganacsadahan wuxuu sheegay in ganacsigooda ay uga cararaan mararka qaarkood rasaasta kusoo dhacaysa gudaha suuqa, taasina waxay nagu tahay dhibaato kale oo cusub, waxaana ka codsanaynaa kooxaha rasaasta soo faraya inay naga dhaafaan.

"Markii hore waxaan ka baqi jirnay madaafiicda culus, haatan waxaa noogu darmay rasaas iska soo dhacaysa, waxaad arkaysaa mararka qaarkood qof hortaada ku dhacay, xaaladdu waa isbadalaysaa markaas, mana garan kartid jawiga" ayuu yiri Ganacsade ka shaqeysa Bakaaraha.

Ciidamo taabacsan Dowladda Soomaaliya iyo Culummaa'uddiinka Ahlusunna ayaa waxay saldhigyo ku leeyihiin xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag oo kulaala Suuqa Bakaaraha, kuwaasoo mararka qaar ay rasaas isdhaasadaan Ciidamada Xarrakatul Shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya