Sabti, June 05, 2010 (HOL) − Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in 1,400-qof ay waxyeello kasoo gaartay dagaallo ka dhacay Muqdisho Bilihii Maarso, April iyo May, sida lagu xusay war kasoo baxay Qarammada Midoobay.
Ku xigeenka Afhayeenka guud ee Qarammada Midoobay Marie Okabe ayaa sheegtay in Hay'adda WHO ay wrabixinteeda ku xustay in intii u dhexeysa 20-kii Maarso iyo 24-kii May la gaarsiiyay saddexda Isbitaala ee Magaalada Muqdisho ugu waaweyn 1,400-qof oo dhaawacyo kala duwan qaba.
"Afar meelood hal meel dadkaas waxay ahaayeen caruur, halka dadka la gaarsiiyay hal isbitaal ay saddex meelood hal meel ahaayeen Dumar" ayay tiri Marie Okabe xustay in dagaallada ay waxyeelladan ka dhasheen ay yihiin kuwii ugu xumaa ee soo mara Muqdisho.
Sidoo kale Afhayeenka WHO Paul Garwood oo isaguna wariyeyaasha kula hadlay Geneva ayaa sheegay in 31-qof oo ka mid ah dadkaas dhaawac ahaanta loo geeyay Isbitaallada Muqdisho ay dhinteen intooda badanna ay ahaayeen Dumar.
"Dhab ahaantii dadkaas u badan Caruurta iyo Haweenka waxaa dhaawacay madaafiic culus oo kula dhacay deegaannadii ay ku noolaayeen, waana mid laga xumaado" ayuu yiri Garwood.
Sidoo kale Hay'adda UNCHR ayaa iyaduna warbixin ay soo saartay ku sheegtay in 17,100-qof ay tan iyo bilowgii bishii April ee lasoo dhaafay ay ka barakaceen Muqdisho, kuwasaoo 6,900 oo ka mid ah ay ku barakaceen Muqdisho, halka 10,200-qof ay u barakaceen deegaannada Muqdisho ku hareeraysan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Tirada dadkii ay waxyeelladu kasoo gaartay dagaalladii ka dhacay Muqdisho bilihii ugu dambeeyay oo ay Qarammada Midoobay soo saartay
More News
- Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la doortay
- Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo ka cabanaya rasaas khasaare geysatay oo mararka qaarkood ku dhacda gudaha Suuqa
- Wareeggii ee doorashada guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka socota Xarunta Golah Shacabka Muqdisho
- Hogaanka Sare ee Ururka SSC ,Sool,Sanaag iyo Cayn oo ka Hadlay Cabsi Dagaal oo laga Dareemayo Meelo ka mid ah Gobolka Cayn ,Baaqna u Diray Somaliland
- Ahmed Ould Abdallah oo ka tegaya xilka Wakiilnimo ee Arrimaha Soomaaliya
- Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta dooranaya guddoomiye ku xigeennada Baarlamaanka
- Maamulkii Xisbul Islaam ee degmada Jalalaqsi oo ku biiray Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab.