Sabti, June 05, 2010 (HOL) − Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dooranaya guddoomiye ku xigeennada Baarlamaanka iyadoo shirkan uu guddoomin doono guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Ammaanka Xarunta Golaha Shacabka oo ay doorashadan ka dhacayso ayaa waxaa adkeeyay ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, iyadoo loo diiday inay gaadiidku maraan, waxaana xarunta ku qulqulaya xildhibaanada Baarlamaanka.
Xildhibaan Xaaji Shukri Sheekh Axmed oo ah guddoomiyaha guddiga doorashada ee KMG ah ayaa sheegay in maanta la dooranayo guddoomiye ku xigeennada Baarlamaanka, isagoo xusay inay ka haystaan warqad ogolaasho ah Maxkamadda sare oo horay doorashadan u hakisay.
Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in doorashadan ay tahay mid aan sharciga waafaqsanayn, wuxuuna xusay in lagu xadgudbay sharciga dalka u dagsan iyo amarkii Maxkamadda sare.
"Waa wax laga xumaado in laga tallaabsado sharciga laguna xalliyo dacwaddii aan gudbiyay xeer jajab" ayuu yiri Prof. Dalxa oo weli ku adkeysanaya inuu yahay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka maadaama uusan iscasilin.
Doorashada Guddoomiye ku xigeennada ayaa waxaa u taagan 18-mudane oo labada jago u tartamaya, waxaana ku jira haween, iyadoo lagu wado in maanta loo doorto laba xubnood jagooyinkan bannaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya