Hogaanka Sare ee Ururka SSC ,Sool,Sanaag iyo Cayn oo ka Hadlay Cabsi Dagaal oo laga Dareemayo Meelo ka mid ah Gobolka Cayn ,Baaqna u Diray Somaliland

Sabti,  5, Jun, 2010 (HOL)- Hogaanka Sare ee ururka SSC ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan Somalilland ay ku suganyihiin meel aan wax badan ka Fogayn Xaduudka Deegaankaasi ,isla markaana la filan karo dagaal labada dhinac dhex mara.

Guddoomiye kuxigeenka SSC Col.Cali Xassan Axmed Sabarey oo la hadlay Warbaahinta Bosaaso ayaa sheegay in xaalada degmada Buuhoodle ay iminka tahay Mid dagan ,balse ay jirto Cabsi dagaal oo ay qabaan dadka deegaankaasi.

Waxaa kaloo uu sheegay Col.Xasan Axmed in uusan jirin Xiriir wayn oo ka dhaxeya Madaxda Puntland iyo hogaanka sare ee SSC,Waxaana uu intaa ku daray in shacabka degmada Buuhoodle ay naftooda difaaci karaan Cid kasta oo soo weerarta.

Godoomiye ku xigeenka Ururka SSC ayaa soo hadal qaaday khilaaf la sheegay in uu dhexmaray Madaxwaynaha Puntland Dr Faroolle iyo Dr.Saleebaan Axmed Ciise Xagle Toosiye oo ah Godomiyaha Ururkaasi,kaasi oo aan ilaa iyo hada Xal Rasmi ah laga gaarin.

Mar la waydiiyay Godoomiye ku Xigeenka SSC halkii ay ku danbeeyeen Gaadiid ay halkaasi Ciidamo itoobiyaan ah ka kaxaysteen ayaa sheegay in ay socdaan dadaalo baabuurtaasi lagu soo siidaynayo.
Ugu danbayntii Hogaanka Sare Ururka SSC ee Sool ,Sanaag iyo Cayn ayaa ka codsaday Maamulka somaliland in lagu soo xad gudbin xuquuqda dadka degmada Buuhoodle ee Gobolka cayn.

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso,Somaliya