Wareeggii ee doorashada guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka socota Xarunta Golah Shacabka Muqdisho

Sabti, June 05, 2010 (HOL) − Wareeggii labaad ee doorashada guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Somalia ayaa ka bilaabatay hoolka shirarka ee Golaha Shacabka, iyadoo ay codadkooda bixinayaan 325-mudane.

Xildhibaannada wareeggii 1-aad kasoo gudbay ee isku soo haray ayaa waxay kala yihiin: Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo heshay 80-cod, Xildhibaan C/weli Sheekh Muudey oo helay 66-cod, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo helay 64-cod iyo C/fitaax Ibraahim Rashiid oo isna helay 37-cod.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo sheegay natiijooyinka mudanayaasha baarlamaanka ayaa sheegay in shanta mudane ee kale ay ka hareen doorashada, lana bilaabayo wareegga labaad.

Khadiijo Maxamed Diiriye oo ugu cadcad xubnaha Baarlamaanka ayaa u muuqata inay kusoo baxayso xilkan, iyadoo mudanayaashii haray oo dhan ay sheegeen inay cadadkooda iyada siiyeen si ay guusha u hesho.
Doorashadan ayaa waxay galaysaa wareeg saddexaad haddii aan lagu kala adkaan wareeggan labaad ama aanu dhicin tanaasul, iyadoo codeyntu ay haatan ka socoto golaha Shacabka, waxaase dhowr jeer kusoo dhacay agagaarka xarunta Madaafiic dhowr ah.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ku doodaya inuu xilkaas isaga hayo ayaa ku sugan xarunta baarlamaanka oo ay ka socoto doorashada xilka uu ku doonayo, wuxuuna ka mid yahay mudanayaasha codadkooda bixinaya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya