Sabti, June 05, 2010(HOL): Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helnay ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould Abdallah uu ka tegayo xafiiska uu haatan ka howlgalo ee Arrimaha Soomaaliya.
Lama oga waxa dhab ahaan sababta u ah in Ould Abdallah uu ka tago wakiilnimadii Soomaaliya ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, waxaase loo maleynayaa in ay halkan ku egtahay mudadii loo doortay in uu hayo xilkan.
Danjire Ahmedou Ould Abdallaha ayaa wuxuu yahay Wakiilkii ugu dadaalka badan ee ay Qaramada Midoobay u soo magacawdo Soomaaliya, wuxuuna marka loo eego Wakiilladii ka horreeyay uu dadaal weyn u galay sidii mushkiladda Soomaaliya xal loogu heli lahaa, wuxuuna si weyn isugu mashquuliyay Arrimaha Soomaaliya.
Waxaa lagu xusuustaa Danjire Ould Abdallah dadaalkii uu galay isu keeniddii Dowladda Soomaaliya iyo garab ka mid ah Isbaheysigii Asmara, iyadoo dadaalkaasna uu keenay in la isku daro Xildhibaannadii TFG-dii hore iyo Xildhibaanno ka socday Isbaheysigii Asmara.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya